Musharaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Digay Burburinta Lagu Hayo Ganacsiga Suuqa Hargeysa‏

 jamaal

Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag uga digay burburinta arxandarrada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan suuqa hoose ee Magaalada Hargeysa, waxaanu soo jeediyay in  la soo saaro ganaax lagu xukumo cidda shuruucda ku tumata iyo in digniin la siiyo muwaadiniinta ka hor inta aan laga baabiinnin meheradahooda.  

 Sidaasna waxa uu ku sheegay baaq kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay bar-kulanka Facebook oo u dhignaa sidan “BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA: Inkastoo ay hawshooda gudanayaan oo aan ixtiraam u hayo dawladda hoose ee Hargeysa iyo Ciidanka Booliska, haddana indhaha kama qarsan karno dhaawaca la gaadhsiinayo dadka dan’yarta ah ee ka ganacsadda suuqyadda magaaladda Hargeysa.  Caqliga suubani ma qaadan karayo marka ay Dawladda Hoose Iyo Ciidamadda Booliska Oo Cudud Ku Muquuniyaan Wadhatadii Hargeysa iyo khasaaraha Maalin Keli ah Ay soo Gaadhsiiyaan dadkaasi dan’yarta ah.

Way dhici kartaa in ay qaar dhego-adaygaan laakiin yaan fadlan laga burburin inta yar ee ay isku keenkeenene waa in si kale loogaga wareego sidii bilicda magaaladda loo hagaajin lahaa. Fadliga bisha Ramadaan iyo dadkaasi danyarta ah ee ay naftu u geysay waa in il naxariis leh lagu eego arrimaha burburinta ganacsigoodana intaan la gudo gelin waa in laga fikiraa burburintuna aanay noqon falka ugu horeeya ee lagu kaco. Ganaax lacageed baa la sameyn karaa marka hore iyo digniino faro badan! Ilaahay kheyrka hayna waafajiyo”.  

 

Salaanmedia/Hargaysa