Natiijadii Sahanka Hawadda ee Oodweyne Block oo Muujisay Rajo Wanaagsan

Hargeysa(SM)-Tarjumaada natiijada sahaanka dhinaca hawadda ee dhowaan laga qaaday dhulka uu ku yaal Balooga Oodweyne ayaa muujisay rajo wanaagsan oo dhiiri gelinaysa suurta galnimada helitaanka saliida la filayo in dhowaan la daah furo.

Sahankan hawadda ayaa lagu fuliyey heshiis iskaashi oo dhex maray shirkaddaha Genel Energy,Petrosoma iyo Jacka Resources,isla markaana mudadii shaqadani socotay lagu gaadhay dhul bedkiisu dhan yahay 22700km ee Oodweyne Bloog.

Gudoomiyaha Shirkadda Petrosoma Maxamed Yuusuf Calli oo arintan iyo sida ay ku timi ka hadalay ayaa yidhi[Sahankan hawada waxa uu ku yimi heshiis lala galay shirkad lagu magcaabo Fugro,taas oo fadhigeedu yahay koonfur afrika,Fugro waxay sahanka ku dhamaysay xiligii loogu tala galay,kharashkii loo xadiday, tiiyoo iskaashi buuxa laga helay Dawladda iyo dadka ku dhaqan Degaanka Oodweyne Baloog]ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.

Fasiraada xogata sahanaka hawada ee la soo ururiyey , ka dib markii heshiis lala galay ayaa waxa fulisey shirkadda maraykan ah oo lagu magcaabo Bridgeport taas oo khibrad dheer u leh dhinaca hawlaha daraasaadka dhulka(geophysical) ee Afrika.

Shaqada tarjuumaada xogtii la helay ayaa iyaduna muujisay natiijooyin iyo qeexitaano xiiso badan,ugu horayn naatiijooyinka soo baxay ayaa ah kuwo fa’iido weyn u keenaya mashruucan iskaashi ee sahaminta shidaalka,kuwaas oo wax weyn ka tari doona xiliga lagu guda jiro hawsha sahanka dhulka lagu ruxayo(sismec) ,sahanka dhul ruxista(sismec) waa marxalada ugu danbaysa ee la qorsheeyay,taas oo lagu wado in wejigeeda ugu horeeya ee diyaar garowgu noqdo labada bilood ee fooda inagu soo haya.

Xogta sahanaka hawada ayaa sidoo kale waxay mashruuca iskaashi iftiimin dheeraad ah ka siisay in la fahmo qaab dhismeedka 30km oo hore loogu ogaaday sahan goobeed ay fulisay shirkadda Petrosoma.

Ugu danabayntii sahankan hawadda ayaa muujiyey inay jiraan laba xidh saliideed (tog) oo dheeraad ah kuwaas oo ku yaal balooga Oodweyne.

Mar kale Maxamed Yuusuf oo arintan ka hadalay ayaa ku tilmaamay mid sii laban laabaysa rajadii laga qabay in Balooga saliid laga helo[Shaqadii adkayd ee uu qabtay mashruuca iskaashiga iyo dedaalkii wanaagsana ee shirkadda Fugro ayaa keenay natiijo wanaagsan,labada xidh ee cusubna waa arin layaab leh oo mudan soo dhoweyn isla markaana kor u qaadaysa suurta galnimada saliid laga helo balooga Oodweyne] ayuu yidhi,wuxuuna ka digey inay tahay xili hore waqti la saadaalin karo saliid laga heli karo dhulka Somaliland.

Gudoomiyaha Petrosoma ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey suurta galnimada in saliid laga soo saaro Balooga Oodweyne isagoo arintan ka hadlayana wuxuu yidhi[Waxaan ula badheedhay khatar balooga Oodweyne malaayiin lacagtayda gaarka ah tan iyo sanadii 2005,sidoo kale wadaagayaashayduna waxay diyaar u yihiin khatar tan ka weyn marxalada soo socota ee xiliga sahanka dhulka lagu ruxayo ilaa laga gaadho qoditaanka,hase yeeshee waxanu ka fa’iidaysanaynaa khibrada wanaagsan ee Joolajiyiinta iyo daraasadaha dhulka iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka casriga noocooda ugu danbeeyay,laakiin Ilaahay uun baa og in aanu ka heli doono Balooga saliid geli karta ganacsi,hase ahaatee natiijooyinkani waa kuwo lagu dhiiran karayo].

 

Salaanmedia/Hargaysa