Waxaa dhamaan Dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo iyo Agagaarkeeda la ogaysiinaya in la qabanaayo Kulan aad u balaadhan oo Lagaga hadli doono Doorashada baarlamaanka dalka Norway oo dhawaan la filaayo in ay ka qabsoonto guud ahaan dalkan Norway.
Gudida Jaaliyada Oo Kulankan Qabanaaya ayaa waxa ay ku casuumeen Dhamaan xubnaha ka socda Xisbiyada Dalkan Norway ka jira ee ku hirdama Siyaasada dalkani. Sidoo kale waxa uu yahay ujeedada kulankani sidii loo wacyi galin lahaa dadweynaha Somaliyeed Suaalo,iyo wixii ay qabaana ay u waydiin lahaayeen xisbiyada cida U matalaysa kulankan.Iyo Xisbiyada ku tartamaya doorashan oo Olole balaadhan ugu jira sidii ay u hanana lahaayeen codka Shacabka Somaliyeed. Taas oo Gudida jaaliyadu ay kulankan sabab uga dhigeen in si dhab ah loo waydiiyo suaalaha xubanaha ka socda xisbiyada kala duwan.
Sidoo kale Waxaa Kulanka Qaybtiisa labaad oo barbar socotaa ay noqonaysaa Maaweelo iyo Heeso ay idiinku Diyaar yihiin Xamari Band iyo Kuuxdiisii iyo Hobolo kale iyana Marti inoogu noqonaaya.
Kulanka ayaa waxa uu dhici doonaa Maalinimada Axada oo ay bisha sagaalaad kow tahay 01.09.2013 .
Goobta uu ka dhacayaa waaTøyenbekken 5. Ama holka Wayn ee dhinaca kaga soo jeeda Basaarka.
Saacada uu bilaabmayaa waa 16.00 ilaa 21:00 Habeenimo.
Fadlan wixii faah faahin ah kala soo xidhiidh
Gudoomiyaha Jaaliyada Norway
Eng Cabdirashiid Muuse Ismaaciil.
tel: 90693449