Ogaysiis: Muwaadiniinta Somaaliyeed Ee Ku Nool Dalka Masar Oo La Farayo Inay Ka Fogaadaan Goobaha Rabshadaha Ee Dalkaas.

Kadib makii ay Jaaliyadda Soomaaliyeed araktay dhacdadii naxdinta laheed ee dhacdey habeenimadii Salaasada ahayd taariikhduna ku beegneed 30/7/2013 ee loo geestey Muwaadin Soomaliyeed ee la oran jiray Xasan Abshir Xuseen (Xasan baydhabo) Alla ha unaxariistee oo ay gacan ka gar daran dishey.

Jaaliyadda Waxa ay soo jeedinaysaa qodobada soo socda:

1- in qof waliba uu qaato aqoosi shaqsiyadeed (ID.Card).

2- in qof waliba uu muujiyo foojignaan dheeri ah.

3- in isku socodka la yareeyo xiliyada danbe ee habeenkii.

4- in laga fogaado goobaha banaanbaxyada ay ka socdaan .

5- in qofka soomaaliga ah hadii uu wax cabirayo wax uun uu ku cabiro luqadiisa soomaaliga waa hadii uusan ka fursan Karin arinkaas uu iska ilaaliyo luqagaha public ga ah sida English iyo Arabic taasoo keeni karto in aan noqono bartil maamysi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar.

Salaanmedia/Hargaysa