Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Puntland

 

imageRa’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimada Puntland ee dhici doonta bisha Janawari ee sanadka 2014.

Wareysi uu siiyay Idaacada VOA ayuu kaga hadlay xaalada Puntland, isagoo cadeeyay in mudada 15-ka sano ee ay jirto Puntland ay gaadhay horumaro badan.

“Waxaan u taaganahay musharaxnimada Madaxweynaha Puntland doorashada bisha Janaayo ee sanadka 2014-, runtii anigoo u leh waayo aragnimo iyo qibrad siyaasada iyo dhaqaalaha, waxaa wax ka qaban karaa halka ay maanta Puntland joogto”ayuu yiri Dr. C/wali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dr. C/wali Gaas oo ka soo jeeda Puntland ayaa sheegay in hoos u dhac dhaqaale uu ka jiro Puntland, isagoo tibaaxay in hoos u dhaca dhaqaale ay saameeyeen shaqaalihii dowladda iyo ciidamada ammaanka oo aan wax mushaaraad ah qaadan.

“Dhaqaalaha hoos ayuu u dhacay, runti waxay saameyn ku yeelatay shaqaalaha dowladda oo aan wax mushaar ah qaadan iyo ciidamada”ayuu yiri C/wali Gaas.

Mar la weydiiyay sida uu u arko go’aanka Madaxweynaha Puntland uu xiriirka uga jaray dowladda Soomaaliya ayuu ku gaabsaday in dowladda Federaalka laga rabo inay jawaab ka bixiso, isagoo xusay in dalka leeyahay dastuur, isla markaana aan cid gaar ah laheyn, lana doonayo in la ixtiraamo Dastuurka.

Dr. C/wali Gaas oo horay u ahaa Bare jaamacad ku taal Mareykanka ayaa dhamaadkii sanadkii 2010 ku soo biiray siyaasada, isagoo Wasiirka qorsheynta iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen ka noqday Xukuumadii Farmaajo, iyadoo 23-kii June sanadkii 2011 uu noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyay ee Xukuumadii KMG aheyd.

Dadka odorasa siyaasada ayaa tilmaamo ka bixinayay damaca siyaasadeed ee u jiray Prof. C/wali Gaas tan iyo markii ay dhamaatay Kumeel gaarnimadii, isla markaana iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhamaadkii sanadkii hore uu booqasho ku tagay deegaano ka tirsan Puntland, taasoo booqashadiisa ka careysiisay Maamulka Puntland, kana soo saaray amar ah inuu deegaanada ka baxo, waxaana uu xilligaas Mr Gaas ku eedeeyay Maamulka Faroole inuu caburin iyo handadaad ku haayo shacabka, markii uu u kuur galay dhageysiga tabashada dadka deegaanada.

Salaanmedia/Mogdisho