Home Articles Sababaha Dhiirgeliyey In La Abuuro Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta

Sababaha Dhiirgeliyey In La Abuuro Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta

MAQAAL

Sababaha dhiirgeliyey in la abuuro Golaha wadatashiga iyo toosinta

Golahan waxa uu ku yimid markii ay badatay Dulimiga,Cadaalad la’aanta, Eexda Qaraabakiilkii I.WM ee la waayay meel looga ashkatoodo ka dib markii la arkay Golayaashii Xukuumiga ahaa oo ku dhex milmay Dawladii haday noqoto Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Maxakamada,Golaha guurtida intiiba waxa ay noqdeen Golayaal aan madax banaanayn oo si toos ah ugu xidhan Xukuumada waxa ay noqdeen golayaal u adeega Kooxda wadanka haysta oo qodha waxa ay noqotay Dawaladii Shirkad yar oo ay iska leeyihiin inta xukunka loo dhiibay.
Ilaa askari ,maxkamad, baarlamaan waxa ay u adeegayaan kooxdaa oo qudha Askariga lama barin qawaaniinta waxa uu u haystaa in uu u shaqeeyo Kooxdaa Wadanka loo dhiibay ee xukunta,waxa uu garan waayay in Dawladu tahay Shacabka loona siman yahay Xuquuda io sharciga ilaa ka u sareeya ila ka u hooseeya .
Waxayaalaha iga yaabiyay waxaa ka mid ah Heshiisyadan dawladu galayso ee aan Baarlamaanka la keenayn, Hantidii guud ee la boobayo ama la siinayo cidii la rabo waxa iga suul  ah Hantida guud ma ummada ayaa leh mise kolba kooxda xukunka loo dhiibo ayaa iska leh oo sida ay doonto ka yeelaysa, waxaad arkaysaa dhulkii hantida guud oo la boobayo Guryihii ,baabuurtii,Maalkii guud wixii oo dhan oo loo isticmaalayo sidiiShirkad ay leeyihiin Dad gaara.

Hadaba akhristow Hargeisa Biyo maanta ma haysto Laamiya fiican ma haysto Dhakhtar fiican ma haysto sidee ayaynu Dawlad ku noqonaynaa Biyo ayay ku fashilmeen in ay soo saaraan waxaan aragnaa Lacagtii Laamiyada iyo Biyaha lagu samaynlahaa oo la boobaayo imisa sano ayaan daawanaynay Laamigii oo hortooda la cunayo Biyihii oo la cunayo Dhakhtarkii oo la cunayo.
Qofka Muwaadinka waajib ayaa ka saaraan in uu la xisaabtamo Dadkii uu wax u dhiibtay markaa mar haday shaqayn waayeen hayadihii dastuuriga ahaa ee la xissbtami lahaa Dawlada shacabku intaa in ka badan daawan maayo Laamigii ,Dhakhtarkii iyo Biyhii oo hortiisa lagu cunayo.
Ummada mustaqbal ayay u baahan tahay aqoonsi waxaa ka horeeyay in aan toosino nidaamkeena iyo sida uu u shaqaynayo maamul xumada ayaa ka xun dhib kast,  Bal akhristow u fiirso Madaxada Jarmalka Hadii la geeyo Wadan ka mid ah Afrika ah oo la yidhaah Maamula waxa ay ka dhigayaan siday ka dhigeen kooda, balse hadii madaxda Afrika la geeyo Jarmal oo la yidhaah maamula Jarmal waxa uu noqonyaa sida ay Afrika iminka tahay Biyo la’aan Dhakhtar la’aan ilayn waxkasta meel khalad ayay marayaan,sidaa awgeed waxaa laysku dhaafay waa Maamul wanaag.
Shaqo ma jirto khyraadka Wadanka  lama soo saarayo Lacagta Cashuurta ee Dadka laga qaado Guro waaweyn ayay ku dhisanayaa waxkasta waa la boobayaa adigoo arkaya Dadku ma dhoohan yihiin waa in hurdada laga toosa oo lala xisaabtamaa cidii Wadanka loo dhiibay hadii kale meel dheer ayaa laynaga dooni, intaa oo Dulmi ah inagu filan waa in aan toosnaa aan la xisaabtanaa.

Saladiin iyo odyaal waxgoo loo dhiibo oo la yidhaah Tvga ka hadla Qadiyadu way ka wayn tahay waaqica Aduunka wuu is bedalay Dadkii la iibsan jiray Ummada ma seexin karaan odayga reekayga ah mustaqbalkayga ma xukumo Jeebkiisa ayuu xukumaa Mustaqbalkayga aniga ayuu igu xidhana yahay Dadka oo la kala qaybiyo iyo oday Jeebka wax loo galiyaa iga lumin karaan musqbalkaga iyo mabda’ayga.

 

shacigii ma shaqanayo Dhalinradii shaqo ma hayaan qofkii la rabo ayaa la xidhayaa maxamadii waxay noqotay meel la leeyahay oo u adeegta inta xukunka haysa waad arkaysay intii Xirsi xidhay inta ay xidhnayd horyaal iyo Jaraa’iidkii waxa haysto cidii hadasha oo la caayayo suldaan barar oo la adeegsanayo,

 

Sharci diidayaa ma jiro urur Madani aha oo ilaaliya masiirka ummada mar hadii kuwii loo igmaday ay shaqadoodii gabeen oo ay dantoodii oo qudha eegteen,inaad wax hesho waxaa ka muhiimsan in aad wax ilaashato sidaa awgeed waan taageersanahay golaha wadatashiga iyo toosinta .

 

Abdi Jama

 

(jabdi49@yahoo.com