Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Sahaminta shidaalka Somaliland

Somaliland
Sahaminta shidaalka

Somaliland: Khataraha amni ee sahaminta shidaalka

Guuleed Axmed Dafac

Hordhac

Waxan qoraalkan ku eegi doonaa khataraha amni ee heer gobol, midda gudaha iyo heer caalami ee ay keeni karto sahaminta shidaalka ee ka socota Somaliland.

Khayraadku wuxuu ahaan inta badan waxa u wayn ee keena colaadaha aduunkoo dhan. Waxa la isla ogyahay in khayraadku cidhiidhi yahay (scarce) oo aadanuhu ugu jiro tartan.

Dhinaca Africa, colaadaha dami waayay ee ka taagnaa tan iyo markii wadamada qaaradu xoriyadooda qaateen, waxay badi ku salaysnaayeen khayraadka dabiiciga ah. Bal u fiirso, waxa ugu colaado badan Africa dalalka khayraadku u badan yahay. Eeg DR Congo.

Dagaalada ku salaysan khayraadka dabiiciga ahi maaha mar walba kuwo maxali ah. badiyaa dalalka shisheeyaha ah ayaa u heelan sidii ay si fudud ugu guran lahaayeen khayraadka Afrikaanka.

Somaliland iyo shidaalka

Shidaalku waa tamar aad loogu baahan yahay oo soo saaristeeda la jecel yahay. Somaliland in shidaal ku jiro cidina si fiican uma cadayn. Waa se rajo la qabay mudo dheer. Dad badan baa u arka in gorofka caydha la tuurayo hadii shidaal la helo. Waxay u arkaan in rajada u wayn ee Somaliland leedahay uu yahay iyada oo soo saarta shidaal.

Taariikhda iyo ifafaalaha maanta jiraa se taas waa beeninayaan. Musuqa iyo boobka lacagta ka soo xeroota shidaalka ayaa u ah siyaasiyiinta Africa hami ay hiigsadaan. Eeg Nayjeeriya.

Tan iyo intii sahaminta shidalku ka bilaabantay Somaliland waxa soo baxay muran iyo qaylo xoogan oo ka imanay inta badan beelo. Taas oo marar keentay gacan ka hadal dad k u dhinteen. Tusaale ahaan aaga Caynaba.

Dooda dadka ka keenay sahaminta shidaalku waxay u qaybsamaan laba. Waa ta kowaade, dad badan ayaa diidmadooda ku saleeyey beelnimo iyo saami ay ka dooneen shidaalka. Quud aan jirin qoryo u guro. Waa shidaal aan weli la qodin. Waa foolkii kowaad ee colaadda uu soo wato shidaalku. In kasta oo si cad dastuurka Somaliland u sheegay in khayraadka dabiiciga ah lawada leeyahay oo soo saaristiisna ay u xilsaaran tahay Dawladda dhexe, hadana waxa muuqata in taas la iska indho tirayo. Khayraadka dabiciga ahi waa wax lawada leeyahay oo aan cidina gaar u sheegin karin ayna tahay in si siman loogu qaybiyo dadka Somaliland. Sheegashada beelaha degaankooda sahamintu ka socotaana waxad moodaa inay baal marsan tahay wixii lagu heshiiyay.

Ta labaad, waxay ka imanay dad waxgarad ah oo u arka in hanaanka loo maray sahaminta iyo heshiisyada la xidhiidha inuu yahay mid sharciga baal marsan oo madmadow ku jiro.  Lama horgeyn heshiisyada lala galay shirkadaha samaynaya sahiminta Golaha Wakiilada oo sharcigu waajibinayo in loo geeyo.

Shidaalka Somaliland iyo shirkadaha caalamiga ah

Waxa iyana qayb ka ah dhibta shirkadihii ruqsadaha la siiyay ka hor 1991 oo qaba inay iyagu xaq u leeyihiin qodida shidaalka. Aagaga hore ay shirkado ugu haysteen ruqsado ayaa Somaliland u siisay ruqsado shirkado kale. (Page 243, Report of the UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea). Kuwaas waxa ka mid ah shirkadda BP oo aag ay sheegtay inay hore ugu haystay ruqsad hada la siiyay Ophir Energy Limited.  Sidoo kale aag ay hore ugu haystay ruqsad ConocoPhillips ayay Somaliland siisay shirkadda reer Norway ee DNO. (page 243, Report of the UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea)

Heer gobol

Is-faham darada iyo dhibaatada dhextaal Somaliland iyo Somalia waxa ka mid ah shidaalka. Shirkadaha aan kor ku soo sheegnay waxay lakala saftaan labada dhinac.

Maamul goboleedka Puntland oo ah gobol ka tirsan Somalia wuxuu isna u siiyay ruqsado aagag ka mid ah Somaliland shirkado. Wuxuuna diyaar u yahay inuu xaqiijiyo in shirkadahaasi gaadhaan dhulkaas. Taasi waxay keeni kartaa dagaal dhex mara Somaliland iyo Puntland. Werwer kan oo kala ah aya lagu muujiyay warbixinta Kooxda Kormeerka.

Sidaasdarteed, wuxuu keeni karaa shidaalku colaad heer gobol ah.

Maxaa u furan Somaliland

Dawladda Somaliland waxa la gudboon inay u deristo arinkan si taxadar leh. Waxa haboon in la daahfuro oo mugdiga ku jira heshiisyada ay gasho laga saaro ayna noqoto wax la heli karo oo dadka soo doortay ka warhayan.

Sidoo kale waxa haboon inay Somaliland ku baraarugsanaato saamaynta siyaasdeed ee ay leedahay arimaha la xidhiidha shidaalka. Waa inaad maanka ku haysa in uu saamayn ku yeelanayo shidaalku siyaaadda arimaha debedda iyo xidhiidhka aan la leenahay dunida kale. Shirkadaha shidaalku waxay leeyihiin saamayn wayn oo ay cod ku leeyihiin go’aamada wadamo badan (pressure groups).

Hadii sahaminta shidaalka go’aanada lagu qaadanayaa ay ku salaysnaadaan oo keliya dhaqaale, waxa aan shaki ku jirin inay waxyeelo u gaysanay Somaliland.

 

Guuleed Axmed Dafac

Hargeisa Somaliland

dafac02@hotmail.com

Kala soco:http://www.guleidjama.blogspot.com/

 




Leave a Reply