Shabaab oo digniin u diray shacab gaar ahaan kuwa ku nool Magaalo madaxda Somalia Muqdisho (Maxey taha digniintaasi?)

alshabaab

Kooxda Shabaab ayaa waxa ay soo saartay digniin tii ugu darnayd taariikhda dhaw kadib markii shacabka reer Muqdisho ku nool gaar ahaan dadka  ku nool agagaarka Xarumaha dowlada iyo xeryaha AMISOM iyaga oo amar ku siiyay in ay ka fogaadaan si ay uga baxsadaan weerarro Shabaabku goobahaas la damacsanyihiin.

“Shacabka reer Muqdisho haka guuraan xeryaha Shiyeeyaha soo duulay iyo xarumaha dowlada. Waxa aan mar kale ku amreynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan in ay ugu guuraan gooba amaan ah. Xarakada Shabaab waxa ay qaadi doontaa weerarro xariir ah oo ay ku difaaceyso Diinta mana dooneyno in shacabka dhibaata kasoo gaadho”, Afhayeenka Shabaabka ee dhanka dagaalada ayaa sidaa ku yidhi.

Shacabka Muqdisho ee ay khuseyso digniintaasi ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen hadalka Shabaabka kasoo yeedhay iyaga oo sheegay in aysan garaneyn meel ay u ciirsadaan.

Si kastaba, digniintaan ayaa waxa ay kamid tahay digniinna Shabaabku horay usoo diri jireen, waxaana aad u adag in ay u hogaansamaan shacabka digniinta loo jeediyay.

Salaanmedia/Mogdisho