Sheeko cajiiba oo Kenya ka dhacday iyo Laba nin oo gabadh wada guursan doona.

KenyaMwendo waxaa uu ka mid yahay laba nin oo ku heshiiyay inay guursadaan hal gabadh.

Laba nin oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku heshiiyay inay isla guursadaan hal gabadh oo ay shukaansanayeen iyagoo aan iska warqabin.

Gabadhan ayaa xidhiidh la lahayd labada nin muddo afar sano ah.

Sida muuqata waxay gabadhan diidday in labada nin midkood ay xulato.

Qareeno ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in guurkan sharci ahaan loo diiwangelin doono haddi ay keenaan caddeymo muujinayo in arrintan ay dhaqanka qabiilkooda qeyb ka tahay.

Wargayska the Daily Nation ayaa ka soo xigtay mid ka mid ah raggan oo lagu magacaabo Mwendo in heshiiskan ay qoreen kaddib markii ay iska warheleen in labaduba ay gabadhan xidhiidh la lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan boliiska la shaqeeya dadka xaafadaha ayaa ku qanciyey labada nin inay isla guursadaan gabadhan kaddib markii uu arkay iyagoo dagaallamaya.

Heshiiska ay kala saxiixdeen ayaa qoraya inay joojin doonaan dagaalka oo mid walba uu fulin doono wixii xukunku noqdo. Waxa kale oo dhici karta in loo qabto meher weyn  waxa uuna Mwenda oo ka mid ah labada nin uu sheegay in isagu uu bixin doono lacagta meherka.

Salaanmedia/Hargaysa.

BBC SOMALI

Â