Sheeko gaaban: ADEER SHIR JARAA’ID BAAN KU JIRNAA!

MAQAAL

Waxa aan magaalada soo gala sanadkiiba hal mar.Dadka in yar baa muuqayga taqaana. Waligayba Ma jecli inaan magaalo ku noolaado. Ma haysto qalabka is gaadhsiinta casriga ah ee wararka lagu wada xidhiidho, wax laga dhegaysto ama laga daawado.Dadku ma oga halka aan ka imaado, aniguna uma sheego, waayo,cid I waydiisaaba ma jirto! Waxba igu seegana nolosha magaalka oo maalinta kaliya een sannadka imaado ayaan waxay ummaddu ku sugan tahay warkeeda si fiican uga bogtaa.Maanta way ka duwan tahay maalmihii hore aan u aqaanay. Waxaaban u haystaa in dadkii hore magaalada aan ugu bartay ay ka guureen oo qaar kale soo dageen.Garan maayo waxa iga danbeeyay.

Waa jahawareer iyo qas joogta ah.Waxa lagu murmayaa ma habeenbaa mise waa dharaar!. Cadceedda iyo dayaxa ayaa dad badan iskaga eekaaday.Waxaan kusoo baxay buuqa dhacaaya iyo muranka xooga leh ee goob walba cirka isku shareeray. Waa maqaaxidii shaaha laga cabayay oo siraadan. Garan maayo waxa soo kordhay ee dadkii maanka iyo maskaxdiiba daamurka kaga shubay .isku dayay inaan ku dhawaado oo aan fahmo dadku waxa ay hayaan.Weedho qalalan oo bilaa dux ah ayaa dhinac walba u duulaya. Mararka qaar , way kugu adkaynaysaa inaad fahanto qofka kula hadlayaa waxa uu u jeedo iyo abaartiisu halka ay ku jihaysantahay.Kamana dhalan taasi aftahannimo iyo murti xeeldheer oo hadalkiisa ku duugan, ee sababtu waa erayadda uu ku dhawaaqayo oo qaabka ay u yaalan aanu macno hagaagsan samayneyn.Qofku been aad arkayso intuu kuu rakibo, ayuu dabadeedna ku odhanayaa: saw si fiican imaad fahmin! Amakaaga iyo yaabka dartii, waxaan is idhi malaha waa riyo oo sawirkan aad arkaysaa waa khayaali!.Naftaydii ayaaba shaki galay!

Dadkii markaan ka fajacay ayaan is idhi ag fadhiiso odayaal gadhku hamashka dhigay oo aan xagooga u ciirsaday.Waxaan isleeyahay iyagaa waxgaradee ummaddii waxa maanta aafeeyay ka warayso oo xogta waydii.Koobkii shaaha ahaa ,oo aan badhkii hore baraad la’aan ku cabay, ayaan dhinaca miiska ay fadhiyeen ula kacay.Mise judhiiba waxaa igu qaylyey wiilki shaaha dhig-dhigaayay ee anigana marka hore ii keenay. Ku lahaa “aar lacagta na sii,bal tan eeg anagii oo soo taagan na musbaaraysa ! Naxdin weynaa kan ayaaba igaga daran! “Waar hoo lacagtaada oo buuqa iga jooji , dee warka odayaasha uun baan ku dhawaanayee siday kaa noqotay ayaan iskaga reebay anoo dadka badan ee igu qoslaaya xamili kari la’. “ koobkaa yar ayay doonaysaa inay na casayso,ma xoolo dawladeed bay u haysataa”! ayuu kusii dunuunucayaa markaan lacagtiisii siiyay.

Dabadeed odayaashii ayaan cabaar yar dhegaystay , waxaa dhegtayda kusoo dhacaya weedho ay ka mid yihiin: golaha wada tashiga iyo toosinta waa sharci darro, hawada Soomaaliya in Hargeysa laga maamulo waa sharci” midkii dhinacayga soo xigay ayaan weydiiyay waxa maanta dadkii helay ee wareerka intan leeg galiyay. Waxa uu iigu jawaabay, “ADEER , SHIR JARAA’ID BAAN KU JIRNAAYE WAX YAR NA SUG, SHAAHA AYAAD NAGA BIXIN DOONTAAYE”!.Aniga oo yaab madaxu I guuxayo ayaan iskaga ag kacay.Waxaan ku sii jeedaa halkii aan ka iman jiray.garan maayo sannadka danbena waxaan aan ummada kala kulmi doono!