Shirkadd Ka Shaqayndoonta Dhinaca Kalluumaysiga Oo Maanta Lagaga Dhawaaqay Hargeysa
Hargeysa(SM) Aug.25, 2013-Shirkad ka shaqayn doonta dhinaca ka ganacsiga kaluunka ayaa maanta laga dhawaaqay magalada Hargeysa,shirkadan oo lagu magacaabo Pontus Marine LTD ayaa waxa ay dalka ku samayndoontaa sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkadani maalgashi ballaadhan,kaas oo ay shaqoonyin ka heli doonaan in ka badan 400 oo qof,masuuliyiintan ku dhawaaqay maanta shirkadan oo shirjaraa`id ku qabtay Hotel Ambasador ee magalada Hargeysa ayaa waxa ugu horayn goobtaasi ka hadlay oo sharaxaad dheer ka bixiyey shirkadan maareeyaha guud ee shirkadan Axmed Abokor isla markaana ku dheeraaday faa`iidada ay dalka u leedahay shirkada noocan oo kale ah oo uu dalku u baahnaa oayadoo uu dalka somaliland leeyaay heeb aad u dheer oo la tilmaamo in uu ceegaago kaluunku.
Mr Axmed Abokor oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in ay tahay shirkadani mid balaadhan taas oo ay ku bahoobeen dad aad u farabadani,oo ay ku jiraan dad dalka Ingiriiska caanka ah oo magic iyo maamuusba ku leh oo ay ku jiraan rag hore dalkaasi wasiiro uga soo ahaan jiray,iyo khubaro kale oo caalamiya oo dhinaca sharciyada suuqyada caalamiga ah ka taageeraya shirkadan,waxa uu intaasi ku daray in ay dhamaan gobolada waawayn ee dalka ay xarumo ka samayn doonto isla markaana ay xaruna ay goobaha warshadana ka dhigi doonaaan xiis iyo maydh, si kastaba ha ahaatee waa mid ka mid ah warshadaha uu maanta dalku tabayo si looga faa,iidayn lahaa kalluunka uu eebe ku manaystay dalkeena hooyo
Salaanmedia/Hargaysa