Shirkii Adis-Ababa oo dhowr qodob lagu heshiiyey(warbixin)

news

Addis Ababa (SM) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ugu socda heshiis laga gaadhay qodobo dhowr ah

Shirka oo soo gaadhay ilaa goordhow oo hadda ah, ayaan loo kala kicin, waxaana jirra qoddobo la isku mari waayay balse dib loo dhigay sida ay lee yihiin illo ku dhowdhow goobta shirka uu ka socd.

Waxaa la isla gartay in ka badan shan qoddobo kuwaasoo kala ah:

1 – Dowladda oo si buuxda u aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe

2 – Dowladda ay ergo ku yeelato dhammeestirka maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

3 – In Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiin beelaha dega gobollada Jubaland

Si kastaba, qoddobadan ma ahan kuwa si rasmi ah loo shaaciyay, balse waa kuwa aan ka helnay saraakiil ku dhowdhow halka shirka uu ka socdo.

Shirka, waxaa ka qaybagalay oo kale, wakiilo ka socday Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Africa, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo diblumaasiyiin kale oo caalami ah.

Waxaa goordhow lagu wadaa in la soo saaro war-murtiyeed uu ku qoran qoddobada lagu heshiiyay, balse hadda dhammaan wafdiyada waxa ay aadeen casho, waxaana marka ay soo laabteen ay qalinka ku duugi doonaan heshiiska, haddii aysan maskaxdooda gadaal iska soo beddelin.

Salaanmedia/Mogdisho