Siilanyo Ciidanka Siyaasad Ha Gelin Hana Kaa Badbaaado

Siilanyo Ciidanka Siyaasad Ha Gelin Hana Kaa Badbaaado
MAQAAL
 
Tan iyo intii   Ciidal Fitrigii  xukuuumada Siilaanyo ku dhawaaqaday  waxay ugu yeedhay darajo bixinta  ciidamada waxaa soo if baxaya in ay lumayso  asaasiyadkii loo sameeyaay ciidanka qaranka iyo waxaaha kale amniga  oo ah  ilaalinta haykalka qaranimo ee dal iyo sugida amniga muwaadiniinta ku hoos jira xaduudaha dalka.
 
 
 Sida xeerarkii kala horeeyay ee  la soo saaray  aanse hubin in xeer ahaan loo meelmariyay   milateri iyo boolisba  waxaa ku cad in sinaba aan loogu adeegsan karin wax fal siyasaadeed ah  toos  iyo si dadban, Iyana sinaba aanay ugu fal geli karin siyaasad iyo loolankeeda aan ka ahayn codkaa ay xaq u leeyiihin ee ah muwaadin cod bixiye. 
 
Tusaalena hadaan u soo qaato waxay taasi  ku cadahay Xeerka Ciidanka Booliska Somaliland marka laga hadlayo maqaanka guud ee ciidanka boolisa Qod: 5aad Booliiska Somaliland
 
1. Boolisku waa qayb ka mid ah Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,Booliiska Somaliland wuxuu u adeegaa bulshada, isagoo ka madaxbanaan loolanka  siyaasadeed, dhexna u ah Xisbiyada/ururada siyaasadeed ee Qaranka iyo bulshadaba. Booliiska Somaliland wuxuu hawshiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda qaranka.
 
 
Iyada oo awooda ka saraysa  ee ( civilian authority) la farayo in ay ku  ilaalinaayaan masuuliyadooda xilgudasho kuna qiime  abaal marin siiyaan xirfad gudashadooda iyo waayo aragnimdooda aqoon taas oo ah mid meesha ka saaraysa kala eexaysi iyo is xigsiin.
 
Sidaa waxa loo yeelayna waxay tahay in waxaaha ciidamadu aanay noqn  kuwo ku wasakhooba  “uncontaminated” siyasada dalka markasta yihiin kuwo ah “de-politicised” iyada oo la eegayo danta dalka.
 
Taas oo ahyd mid maamuladii ka kala horeeyaay Siilanyo ku ilaaliyeen in ay sidaa ahaadan oon marna golo iyo fagaare lagu arag iyaga oo taagan oo cid taageeraya ama amaan afka loogu soo diray  odhanaya.
 
Waxaa maanta ayaan daro labaad ah  iyadoo hore loogu dul qaatay sidii Siilanyo  ciidanka ugu adeegsaday doorashadii kushubashada ahayd ee golaha degaanka ee dhawaanta lagu ansiixiay sadexdii xisbi/urur  in maanta mar kale  la arko iyagii oo shaashahadaha TV yada la soo istaajiyo oo  laga duubayo, iyada oo afka loo gashay in ay Siilanyo amaanaan.
 
Taasina waa mid qarankan waxa badan ka dhiman yihiin  welima ogaa sida aasasiyad ahaan lagu soo unkay iyo halkii laga soo bilaabay   in la helo ciidan qaran halis ku ah hadii maanta intaa lagu dhex tuuro siyasad  iyo kala eexaysi ku salaysan qabiilayn iyo degaansi 
 
Iyada oo ay cadahay baahida loo qabo in ciidanku darajayn iyo qiimayn cadli ah helo ,hadana waxaa haboon in sidatay tahay loo maro  welina fiiro gaar ah loo yeelayo beelaha darafyada ee maanta badhkood dareemi karaan in wax ka maqan yihiin .
 
Farax Colow Maxamed 
Acedemia 
Oslo Norway
abosheekh@yahoo