Home Community Siyaasiyiin Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Hawd Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Qabtay...

Siyaasiyiin Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Hawd Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Qabtay Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibada Somaliland+Sawiro

(SM-Hargeisa) Siyaasiyiinta, madax dhaqameedka iyo xubnaha xukuumada ee beesha gobolka Hawd ayaa munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, madax dhaqameed, culimo u diin iyo marti sharaf kale oo qiimo badan, taas oo loo saameyey wasiirka arimaha debada Somaliland.

Madaxa Hay?adda abaabul ka saarka qaranka Jamaal Caydiid Ibraahin kana mid ah guddida soo qaban qaabisay munaasibadan oo ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay inay munaasibadan ugu tala galeen inay ku soo dhaweeyaan wasiirka cusub ee arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxaanu yidhi ?munaasibada aynu caawa halkan iskugu nimid waxay qayb ka tahay soo dhawaynta wasiirka arimaha debada Somaliland oo runtii magaalada Hargeysa si weyn looga soo dhaweeyey, munaasibadanina waa soo dhawayntaas iyo duco.?Ayuu yidhi  Jamaal Caydiid Ibraahin.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliila Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay munaasibadan ayaa  wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada Somaliland ku war  geliyey inuu  qaranka u baahan yahay isla markaana wax badan laga filayo  ? somaliland waa wadan kuu baahnaa, waxaanan rajaynaynaa inaad wakhtigaaga galisid inaad dalkaaga ka qayb qaadato sidi horu mar loo gaadhsiin lahaa, rag badan oo munaasibadan fadhiyaana ay dalka wax badan u soo qabteen iyada oo adigana lagaa rajaynayo inaad markaaga dalkan u shaqayso, waxaanan kuugu ducaynaynaa in ilaahay xilka kuu fududeeyo.? Ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey munaasibadan loo qabtay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada  waxaanu yidhi  ? waxaan u mahad naqaynaa guddida soo qaban  qaabisay kulankan, anagana farxad ayey noo tahay inaanu ka soo qayb galno martiqaadkan loo samaynayo wasiirka arimaha debada, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu wasiirka cusub ka dhigo mid dadkiisa iyo dalkiisa dariiqa wanaagsan mariya, wixii uu inooga baahdana waa inaynu la garab istaagnaa.? Ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada kula dardaarantay inuu dulqaad badan u muujiyo mudada uu xilka hayo  iyada oo xustay in dhaleecayn badan loo soo jeedin doono  ? hawshan laguu dhiibay dad ayaa u qaadan doonta marka aad safarada badiso ee la yidhaa kolba meel ayuu ka degay inaad dalxiis u baxayso,w axaanay se ogayn iyada oo aanay kaa horayn safaarado dhisan, iyada oo mushaharka lagu siiyo aanu soo dhaafi doonin wasaarada oo maalinba meel lagu bixin doono, adiga oo is dabaraya oo jeebkaaga isticmaalaya hadana xag xagasho badan ayaa kugu soo duuli ee dul qaado, waxaanan rajaynayaa inaan  afkaagu  ku ciili doonin oo aad  gartaada  ka hor akhrin doonto meel kasta oo aad tagto,? ayey tidhi marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Cabdilaahi Cabdi Cumar(Cabdilaahi Jawaan) oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada ku sifeeyey wasiir cusub oo ka kulmay wakhti wadanku horu mar gaadhay waxaanu yidhi ?waxaan leeyahay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada waxaan kugu soo dhawaynayaa magaca aas aasayaasha Somaliland, waxaad tahay wasiir aad u nasiib badan waayo caasimadda Somaliland iyo inta u dhaw oo dhan waxa laguugu soo dhaweeyey si balaadhan, waxaanad la kulantay wadan soo  rafaad dhamaystay, galgalasho u soo dhamaatay  oo heer soo gaadhay, waxaynu ku jirnay baadi doon aqoonsi  waxaanan rajaynaynaa inaad raadkeeda heli doonto, meel kasta oo aqoonsiga Somaliland laga helayana  waa inaad baadi doon u gashaa.? Ayuu yidhi siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Cumar

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan wasiirka arimaha debada Somaliland, waxaanu tilmaamay in wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada laga filayo wax badan.

Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka arimaha debadu uu la kulmay wakhti aad u fiican ee wadanka Somaliland uu marayo meel wakhti xaadirkan aad u fiican ?maanta wadanku waxa uu marayaa meel fiican, dhaqaalihii wadankuna si wanaagsan ayeynu u dhisnay, waxaana inoo hadhay oo kaliya guushii laynoogu aqoonsan lahaa wadan aduunka ka mid ah, soo dhawaynta balaadhan ee wasiirka arimaha debada  loo samaynayana waxay tahay in laga filayo inuu wadanka wax badan u qaban doono, guud ahaan shacabka wadanka somalilan qof waliba dhismaha qaranka meel ayuu kaga jiraa, kaas oo ah mid fududaynaya qadiyada wadanka ee aad aduunka u bandhigays.? Ayuu yidhi wasiirka cadaalada Somaliland.

Ugu danbayntii wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka mahad celiyey soo dhawaynta balaadhan ee masuuliyiinta, madax dhaqameedka iyo xubnaha xukuumada ka tirsan ee ka soo jeeda gobolka Hawd ay u sameeyeen ?  waxaan ka mahad celinayaa munaasibadan qiimaha badan ee laygu soo dhawaynayo, waan ogsoonahay oo hawsha lay dhiibay waa hawl culus, mana ah mid qof kaliya uu ka bixi karo, aniga oo aad uga mahad naqaya marwo Edan Aadan oo ahayd wasiirkii hore ee arimaha debada oo aan la yeeshay kulankii ugu horeeyey ee wada tashi ah, hawshani way adag tahay laakiin wax aan la qaban Karin ma jirto haddii uu dadku isku duuban yahay oo ajande kaliya ay wada wataan, nabad aynu haysanaana wax la qiimo ah ma jirto, aniguna meelo badan oo dagaalo ka jiraan ayaan ka shaqeeyey iyada oo aan dareemayo muhiimada ay leedahay nabadu..?ayuu yidhi wasiirka cuusb ee wasaarada arimaha debada.