Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Taahriibta iyo Wax-Qabadka Dowladda Somaliland

Bilowgii sanadkii 2000-kii wixii ka danbeyay waxaa isoo tarayay tahriibta dhalinyaradda reer Somaliland iyaga u Haajiraya Wadammada Reer Galbeedka, dhalinyaradda tahriibaysa waxay dibeda u raadsadaan nolol ka fiican nolasha ay dalkooda ku haystan halka qaarna ay jibo Yurub qaaday. Waxayna socdaal dheer oo tuugo ah ku maraan Wadammadda Itoobiya iyo Suudan, waxayna ka talaabaan saxaraha ugu balaadhan Afrika ee u dhexeya Suudaan iyo Liibiya, sidoo kale badaha waaweyn ee u dhaxeya Afrika iyo Yurub, taas oo ay ku bii- meeyaan naftooda taas oo aanay waxba uga dhaxayn geeri ama Yurub.

Halkaas oo boqolaal dhalinyaro ah ku naf wayaan, in yar oo fara-ku tiris ahina ka bad-baadaan, dhanka kale waxaad moodaa in ay dhiiri-gelin jireen waalidinta iyo xukumadahii hore dalka ka soo talin jiray, waayo Waalidiintu waxay dhalinyartooda tahriibaysa ka caawiyaan dhinaca dhaqaalaha ay naftooda ku haligayaan. Halka xukumadihii hore dalka isaga danbeeyay ayaa dhalinyarada u adeegsan jirtay xeerer adag oo caqabad ku noqday ka qayb-qaadashada dhismaha dalkooda, gaar ahan xaga siyaasada, sida ka mid noqoshada Golayaasha Deegaanka, sidoo kale waxa jira shaqo la’aan baahsan iyo wacyi gelin la’aan dhanka tahriibka iyo dhibaatadiisa. Taas oo loo baahan yahay in dhammaan bulshadu ka wado qayb-qaadato. Waalidiinta haday tahay, Dugsiga, Xukuumadda, Culimo Awdiinka, Baayac-Mushtarka IWM. Waxaa kale oo soo jeedin lahaaa in hay’adaha Dawladda in gacan bir ah kaga hortago Aafada Tahriibta iyo la-dagaalanka Silsiladaha Isku Xidhan ee Wax tahriibaya.

Hadaynu diirrada saarno, xiliyadii dambe xukuumaddu uu hogaamiyaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay door muhiim ah ka siisay tallada dalka dhalinyaradda, waxay golayaasha baarlamaanka u gudbisay in wax-ka-bedel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka, waxa hoos loo dhigay da’da musharixiinta doorashadda golayaasha deegaanka, kaas oo suurtogeliyey in tartanka doorashada golayaasha deegaanka ay ka qayb-galaan dhalinyarada Somaliland, iyada oo dhalinyaro badani ay ku soo baxeen inay noqdaan xildhibaanada golayaaysha degmooyinka dalka, sidoo kalana qaarkood ay maayarro iyo maayarro ku xigeeno noqdeen.

Shaqaalaysiinta Dhalinyaradda:

Xagu xukuumadda haddii aan yara jaleecno Buuga Wax-Qabadka Xukuumadda, waxaa si fiican indhahaagu u qabanayaan korodhka shaqaale ee Dowlada oo u badan runtii dhalintii Jaamacadaha ka soo qalin jebisay.

Guud ahaan Shaqaalaha Dawladdu sanadkii 2010 waxay ahaayeen 6645, 2011 waxay gaadheen 9687, halka 2012 ay gaadheen 12,202 Shaqaale.

Wax-Barashada iyo Dhalinyarada, Maxay u qabatay Xukuumadu?

Tusaalaha Koowaad: Korodhka Macalimiinta
Iyada oo lagu xisaabtamayo waxbarashada bilaashka laga dhigay, waxa la shaqaalaysiiyay Macalimiin tiradoodu gaadhayso 2,700 (Laba kun, iyo Todoba boqol) oo ka hawlgala Dugsiyada Dawliga ah.

Deeqaha Waxbarasho ee Dibedeed iyo Deeqaha Waxbarashada ee Dalka Gudihiisa
Deeqo Waxbarasho Dibeddeed; Sanadaha 2011 – 2012 waxa u suurtagashay in Xukuumaddu ay ka hesho Dalal ka mid ah Aduunka deeqo waxbarasho oo ah 201 Arday. Sidoo kale waxa Dalka gudihiisa deeqo Waxbarasho (Scholarships) ka helay 100 Arday.

Tusaale labaad: Waxbarashada hoose ee bilaashka laga dhigay waxa ay kordhisay tirada caruurta la qorayo waxbarsahda aasaasiga, taasoo oo mustaqbalka yarayn karta Aafadan Tahriibta. Tusaale ahaan, Sanad-dugsiyeedka 2011 tirada caruurta la qoray Dugsiyadu waxa ay ahaayeen 10,179, halka sanad¬-dugsiyeedka 2012 ay gaadheen 17,996 oo arday. Waxa kordhay muddo hal sano gudahooda 43% (boqolkiiba sadex iyo afartan), tirada korodhku waxa ay ku dhowdahay kala badh ama laba jibaar.
Magacaabista “Gudida La Dagaalanka Aafada Tahriibta” oo ka mid yihiin Wasiiradda ugu miisan ka culus golaha Wasiirada taas oo laga dheehan karo le-xejeclada dowladu uqabto dhalinyarada dalka, hadaba waxan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa dhalinyarada u hanqal taagaysa tahriibta, in ay iska ilaawin tahriibka iyo dhibtiisa oo aaminaan dalkooda ay sharafta ku leeyihiin.

Da’daalku ma yara, laakiin waxaa loo baahan inaynu bulsho ahaan gacmaha is-qabsano oo Aafadani waa mid qaran ee qof kasta oo Muwaadin ahi dhiniciisa ka riixo oo aan cid gaar ah lagu eegin. sii loo cidhib tiro

E-mail Nadiir0204@hotmail
Mohamed Abdi Aynab Tiger

 

 

TOP




Leave a Reply