Theo Walcott: Tottenham Nagama Xoog Badna

image

Theo Walcott ayaa sheegay in Tottenham aysan kala wareegin kooxdiisa Arsenal awooda waqooyiga London. Inkastoo Gunners aysan weli bankigooda furin xagaagan, Spurs ayaa ciyaartoy dhowr ah la soo wareegtay. Waxaana ay u muuqataa in lacagta ay ku helayaan Bale oo ku sii jeeda Real Madrid inay u sahashay inay sameeyaan saxiixyo dhowr ah. Markii la weydiiyay hadii Spurs ay haatan ka sarre martay Arsenal ka hor kulankooda axada, Walcott ayaa u sheegay Evening Standard: “Maya, gabi ahaanba maya. Waxaan dareemayaa inaad aad iyo aad u awood badanahay. “Qof walba waxa uu kooxdeena ka dhigayaa mid aad u tabar yar, laakiin kulamadii ugu danbeysay waxaan tusnay inaan ka soo kabsanay natiijadii xumeyd ee kulankii ugu horeysay,

 

waxaana dad badan u cadeynay inay qaldanaayeen. “Kooxba kooxda kale waa ay ka duwan yahay, waxaana ay lacagtooda u maalgashadeen si aad u fiican. Anaga ahaan ciyaartoyda waxaan kaliya dooneynaa inaan shaqadeena qabsano axada, waxba nagama gelin hadii ay soo iibsadeen xiddigo 30 milyan ginni ku fadhiya. “Sida aan hada u ciyaareyno, waxaan aaminsanahay inaan garaaci karno koox kasta.” — with Boqor Xamse Dhoobane.