Tuulooyin ka tirsan Degmada Sabawanaag oo la baabiiyey

Tuulooyin ka tirsan Degmada Sabawanaag oo la baabiiyey

 

TUULOOYIN KA TIRSAN DEGMADA SABOWANAAG OO LA BAABIIYEY.

balicamalle

Waxaa dhawaan laga yagleelay Degmada Sabowanaag dhawr Tuule ama magaalooyin cusub, kaas oo ku abuuray dadkii deegaanka wada daganaa ee walaalaha ahaa khilaaf xoogan oo qarka u saaran in colaad iyo  dagaal ka dhex qarxo iyadoo la isku hayo hirgalinta dhismayaasha tuulooyin cusub oo laga bineeyo dhulkii xoola-daaqeenka ahaa ee xoolaha loo foofgaynayey.

 

Khilaafkaa markii la maqlay ayaa ay Dawladdu dirtay odayaal ka soo jeeda labada beelood ee meesha isku haya oo ay amar ku siisay inay 48 saacadood ku soo burburiyaan tuulooyinka cusub ee laga binaynayo Degmada waa kan Cabdifataax Xuseen oo ka mid ahaa waftigii meeshaa gaadhay “isla markii ay Dawladdu na arintan maqashay waxay dirtay odayaal aniguna waan ku jiray oo gaadhigayga ayaan ku qaaday qaar kamid ah odayaasha waxay amar nagu siisay Dawladdu in 48 saacadood lagu soo baabiiyo tuulooyinka cusub ee laga wado meeshaas hadii kale anaga ayaa ciidan dalbanayna oo soo baabiinayna hadii mudadaa ku soo baabiin waydaan”.

Isagoo Cabdifataax kala sheegay tuulooyinka wuxuu yidhi  “kuwaas oo kala ahaa  TUULADA BALLI GUUYOOBE, TUULADA BALI CAMALLE IYO  TUULADA BALI CALI CABDALLE”

balicam.balica

Wuxuu intaasi ku daray isagoo hadalkiisii sii wata “waxaanu gacantayada ula tagnay oo baabiinay qaarna gubnay sida sawirkan iyo Video aan ka soo duubay ku cad laba tuule waa Tuulada Bali camalle iyo Tuulada Bali Cali Cabdalle, laakiin lama taaban Tuulada Bali Guuyoobe ee Bali Golis u dhow, waayo qoladii dhisanaysay ayaa diiday oo ergadiina waxba ka dhagaysan waayey, waxaa waliba intaa dheer in maalin kasta dhisme lagu kordhiyo tuuladaas”

Gabagabadii wuxuu Cabdifataax ku sheegay hadalkiisa “ugu danbayntii waxaan saxaafadda u marinayaa Dawladda umadana u sheegayaa in aan anagu amarkii dawladda qaadanay meelihii naloo dirayna aan soo burburinay, meelahan kalena dawladdu waajibkeeda ha ka gudato dee intaanay arintu sii fogaan oo aan gacanta la isula tagin, 48 –kii saac ee dawladdu noo qabatayna waxay ku dhawyihiin 300 saacadood”

Maaha markii kowaad ee arin noocan oo kale ahi dhacdo ee dhowr jeer ayaa uu dhacay dagaal iyo shaqaaqooyin dhex maray reero noocan oo kale u wada dagan oo dhul, beero iyo waxaan dhaamin tobanaan qof ay ku naf waayaan halka qaar kalena ay soo gaadhaan dhaawacyo halis ah oo sababi kara in loo naafoobo taasina ay sababto colaad soo jiitanta oo u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada-daga.

 

Hadaba waxaa habboon in La helo cid lagala xisaabtamo arimaha noocaas ah oo dawladdu isu xilsaarto inay samayso cid ka masuul ah dhulka iyo deegaanada miyiga ah oo ruqsad laga qaato marka la rabo in beer, dhul iwm oo cusub la samaynayo iyo in la xoojiyo ciidamada ammaanka ee jooga degmooyinka dalka.

By: Cabdillahi Adam Caabi

Freelance Journalist