Musharaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Oo Ka Dalbaday Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Inay La Timaado Qorshe Lagaga Hortagayo Daadadka Dooxyada,Baaqna U Direy Beelihii Dirartu Dhexmartay.

image

Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Oo Ka Dalbaday Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Inay La Timaado Qorshe Lagaga Hortagayo Daadadka Dooxyada,Baaqna U Direy Beelihii Dirartu Dhexmartay.

 

“Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland,”Jamaal Cali Xuseen.

 

Hargeysa(SM):-Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega u keento qorshe wax lagaga qabanayo Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera, oo uu ku tilmaamay inay dhameeyeen hal-doorkii Somaliland oo ay maalin-ba qof qaadayaan, isla markaana waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.

 

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramayey qaar ka mida warbaahinta, isaga oo ka dalbaday xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si degdega wax uga qabato dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, si looga hortago dadka ay qaadayaan. “Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland, xukuumada laba mid uun ayaa la gudboon inay dooxyadaasi hagaajiso, ta labaad-na waxa weeyaan inta aan dooxyadaasi la hagaajin ma waxay xukuumadu kari-kari-waydey dhowr askari oo dadka ka ilaaliya marka dooxyadu rogmanayaan inay halkaasi dhigto, markaa arrintaa waa wax sahlan waa inay dawladu ku kacko oo dhowr asri dhigtaa si aanu baabuurna u marin marka ay dooxyadu rogmanayaan”.Ayuu yidhi.

 

Isaga oo hadalkisa sii watana waxa uu intaasi ku darey oo uu yidhi“Dooxyadandadka dhameynaya waxa looga baahan-yahay kaalintii ay xukuumadu ku lahayd inay si degdega uga qaadato,haddii aan dadka laga celinin marka uu daadku socdo inay dooxyada maraan maalin-ba dad ayaa inaga dhimanaya”.

Dhinaca kale,Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi u direy qoyskii, qaraabadii, salaadiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistii Suldaan Barre Warsame Shire oo habeenimadii taariikhdu ahayd 21/08/2013 Shil-baabuur ku geeriyooday, kadib markii uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq isagoo marxuumku ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Ceel-afweyn ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.

“Arrintanina waa wax u baahan in si degdega wax looga qabto”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee walaaha ah ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro beelaha reer Somaliland ee walaalaha ah dirirtu ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaan leeyahay intii dhimatey ILAAHAY naxariistii janno ha ka wabaariyo inta noolna waa inaynu bad-baadinaa,dagaalku khasaare mooyaane faa’iido ma keeno, markaa walaalayaal heshiiya waxaanan leeyahay Somaliland way ka soo gudubtey wakhtigii dagaalada, waxaanan ugu duceynayaa inuu ILAAHAY labada Beelood ee walaaha ah ee wada-dega inuu bogooda burcad isku mariyo”.

 

Ucid Media/Hargaysa