Ururka Suxufiinta Somaliland Ee SOLJA War-saxafadeed

Ururka Suxufiinta Somaliland Ee SOLJA War-saxafadeed

Hargeysa(SM)Aug.27,2013-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya ahdaafta iyo Mabaadii’da bud-dhiga u ah jiritaanka Ururka oo ah ilaalinta iyo la-socodka jiritaanka iyo kobcinta hay’adaha Warbaahinta iyo sidoo kale kor u qaadista aqoonta iyo Xuquuqda Suxufiga, waxa uu la tashi iyo kulamo Ururku la yeeshay madaxda hay’adaha Warbaahinta (Media Houses), isla markaana qiimeyn iyo xog ururin ku sameeyey dhaq-dhaqaaqyo iyo hadal-hayn cusub kuna taxa-luqa sameynta Xeer Saxaafadeed cusub oo ka duwan Xeerkii labada Gole ee Xeer-dejinta Qaranka u qaabilsani ansixiyeen, Madaxwenihii hore Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin-na uu Saxeexay dhaqan-galkiisa ee Xeer No.27/2004.

Sida ku cad Xogo Ururku gacanta ku hayo baahida Xeerka cusub waxay ku fasireen shakhsiyaad ka mid ah xubnaha dabada ka riixayaa inay tahay wax ay ku tilmaameen (Cay iyo Af-legaado), siday sheegeen lagu hayo Madaxda Sharafta leh ee maamuus ahaan Qaranka ugu mudan, Sidaa darteed uu lama huraan yahay samaynta Xeer adag oo lagu xakameeyo Madax-bannaanida hadalka iyo Xorriyad Saxaafada. Haddaba, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, markuu arkay waajibaadka Dastuurka Qaranku u damaanad qaaday ee Xorriyada ra’yi dhiibashada, Saxaafada iyo Warbaahinta, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, qodobkiisa 32-aad, xubnihiisa 1-aad iyo 2-aad, kuwaasoo si hufan u qeexaya xorriyada hadalka iyo madax-bannaanida Saxaafada, una dhigan sidan;

“1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, Suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

3. Saxaafadda iyo Warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi-dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  Iagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya”.

Sidoo kale Ururka SOLJA markuu raad-raac ku sameeyey qaabka iyo qawaaniinta Saxaafadda ka hawl-gasha Dawladaha leh Siyaasada fur-furan ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Turkiga, kuwaasoo aan lahayn Xeer Ciqaabeed. Tusaale ahaan dalka Ingiriisku waxa ka jira Guddi anshax oo loo yaqaano ‘Press Complaints Commission’ (PCC), kuwaasoo ka garsoora dacwadaha ka dhan ka ah Saxaafada ee loo gudbiyo. Faransiisku waxa Warbaahinta lagu la dhaqmaa Axdi Mihnadleyda Saxaafadu, dalka Turkiga waxa jira isna Guddi Saxaafadeed madax-bannaan oo loo yaqaan ‘Press Council’, kuwaasoo waajibaadkoodu yahay ilaalinta anshaxa mihnada Saxaafada. Halka dalalka nidaamada ka taliyaa aanay jeclayn xuquuqda madax-bannaanida Saxaafada ee ay ka midka yihiin Sucuudi Carabiya, Itoobiya, Kuwait, Rwanda iyo Bosnia lagaga dhaqmo Xeer Ciqaabeed ka kooban Xadhig, Xayiraad, Dil, Ruqsad ka qaadis iyo ganaax laf-jab ah.

Sidaa awgeed Ururka SOLJA, markuu madaxda hay’adaha Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland la tashi la yeeshay, isla markaana si qoto-dheer u lafo-gureen arimo dhowr ah oo ku saabsan Xeerka cusub iyo xaalada Warbaahinta maxaliga ahi ku sugan tahay, una cadaatay Ururka SOLJA in aanay Warbaahinta Maxaliga ahi waqtigan  qaadi karin in la saaro culays, hase-yeeshee, marka la eego ged-gedoonka Siyaasada iyo Xaalada Mandaqada Geesta Afrika, mudan tahay Saxaafadu in Qaranku fikir guud oo taban ka yeesho.

Inkastoo Ururka SOLJA ay ka go’an tahay in la sameeyo saaxad fayo qabta oo bulshadu ka hesho Warar iyo war-bixino sugan oo ku dhisan hab iyo hanaan xirfad iyo anshax leh, kana soo horjeedo in si toos ah loo xajiimeeyo madaxda Qaranka ama Sharafta muwaadiniinta meel lagaga dhaco, waxa uu dhawaaq dheer iyo mid gaaban-ba kaga soo horjeeda in faro-geliyo Xeerka Saxaafada Somaliland ee Xeer No. 27/2004, waxa kale oo Ururku ka digayaa Shirqoolka iyo dabinada aan cilmiga ku dhisnayn ee loo maleegayo Saxaafada, kuwaasoo ay wadaan shakhsiyaad iska horkeenaya Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanay dhaqankiisa ahayn cabudhinta xorriyatul-qawlku.

Ururka SOLJA waxa uu si nasteexo ah ugu dirayaa Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu ka feejignaado talooyinka, qorsheyaasha iyo mooshinada aan nasteexa u ahayn ee kolba weji ay ugu geynayaan shakhsiyaad aan lahayn karti iyo xirfado ay wax kula soo baxaan, balse si ay dhaqaale u helaan mashruuca ka dhigta Saxaafada.

ALLAA MAHAD LEH

                  Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka SOLJ

Maxamed Cabdi Guuleed (Curad)