US Congresswoman Michelle Bachmann Oo Ku Balan Qaaday In Ay Soo Booqanayso Somaliland Iyo Casumaad Ay U Fidisay Mudane Jamal Cali Xuseen bisha January.

US Congresswoman Michelle Bachmann oo ku balan qaaday in ay soo booqanayso Somaliland iyo Casumaad ay u fidisay Mudane Jamal Cali Xuseen bisha January.

XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBEDDA EE UCID MUDANE YUSUF BUDLE OO LA KULMAY XUBNAHA BAARLAMAANKA EE DALKA MARAYKANKA

Yusuf Budle with Congresswoman Michelle BachmannStockholm (SM):- Maalintii shalay ahayd ee ay taariikhdu ahayd 12kii August 2013 ayaa waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, Mudane Yusuf Budle uu la kulmay qaar ka mid ah xubnaha ugu awooda badan ee baarlamaanka Maraykanka. Xubnahan oo ka koobnaa afar xildhibaan waxa  horkacayay haweenayda caanka ah ee Congresswoman Michelle Bachman iyo Congressman John Paul Kline.

Kulankan oo daba socday qoraal uu xisbiga UCID u gudbiyay golaha baarlamaanka ee Maraykanka 4tii June 2013 ayaa si gaar ah loogu lafa guray waxa ay dawladda Maraykanku ka qabto aqoonsiga Somaliland iyo danta ugu jirta dawladda Maraykanka in ay aqoonsato Somaliland.

Yusuf Budle, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID oo arrintaas aan ka waraysanayna waxa uu yidhi: Run ahaantii waxa ay noo tahay guul weyn, Somaliland ahaan, in afar xubnood oo ka mid ah xubnaha ugu culculus ee baarlamaanka dawladda dhexe ee Maraykanku ay nasiiyaan wakhtigooda qaaliga ah, nagana dhegaystaan dooda ku saabsan qadiyadda Somaliland. Waxa aanu kulankan awooda saarnay in aanu ka dhaadhicino madaxdan in dawladda iyo dadka reer maraykanba ay dantu ugu jirto in ay aqoonsato Somaliland, si loo xakameeyo halisaha argagixiso ee ka aloosan geeska Africa. Waxa aanu ka tusnay xagga nabadgelyada geeska Africa iyo danaha Maraykanka, xagga istraatijiyada dhaqaalaha, marinka badda cas, iwm. Sida aynu ka warqabno dawladda Maraykanku ma xiisayso taariikhdaada iyo waxa aad ahaan jirtay 1960kii. Su’aasha meesha taalaa waxa weeyaan: Maraykan ahaan maxaa dantu iigu jirtaa? Taas ayaananu run ahaantii ka jawaabaynay.

Mar aanu waydiinay Mudane Yusuf su’aasha ah: Sidee ayay idiinku suurto gashay in la idiinku furo albaabadaas ay kula kulmeen madaxda ugu saraysa dalka Maraykanka, waxa uu ku jawaabay: Run ahaantii arrinkaas bilowgeeda iyo mahadeedaba waxa si gaar ah u leh, musharaxa jagada madaxwenaha ee UCID, mudane Jamal Cali Xuseen, oo mudaddii uu socdaalka ku yimid dalkan Maraykanba, bilowgii sanadkan isagu u hawl galay arrinkaas, iskuna sii xidhxidhay dhamaanba furayaasha aanu hadda isticmaalayno. Markii uu naga noqday Musharaxu anaguna halkii ayaanu kasii wadnay, oo waxa aanu ku hawlgalnay anaga oo koox ah (UCID-USA Diplomatic Mission iyo anigoo ah Xoghayihii Guud ee Arrimaha Dibedda ee UCID) . Shaqsiga kale ee aanan isna hilmaami karin ee guushan hormuudka ka ahaa waxa weeyaan Mr. C/casiis Buubaa oo runtii noo qaabilsanaa xidhiidhka, inkastoo nasiib darro hadda uu socdaal nagaga maqnaa Europe ah oo aanu shirkan nagala qayb gelin.

Xidhiidhkan oo uu Xoghayuhu ku tilmaamay mid meel fiican maraya, run ahaantiina bilow ah ayaa waxa uu noqon karaa mid si wayn looga faa’iidaysan karo, haddii mucaarid iyo muxaafidba la iska kaashado. Sida uu noo sheegay Xoghayuhu waxa ay ogolaatay congresswoman Michelle Bachman in ay soo booqato Somaliland haddii ay ka hesho casumaad official ah dawladda Somaliland.  Ugu dambayntii waxa dib loo balamay bisha January ee inagu soo food leh, taas oo weliba si gaar ah loo casumay musharaxa jagada madaxweynenimada ee UCID, Mudane Jamal Cali Xuseen.

Xidhiidhkan oo kusoo beegmay wakhti loo magacaabay wasiir cusub wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaan la garanayn in ay noqondoonto mid ay si buuxda uga wada shaqeeyaan dawladda Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ee UCID, waxase uu xoghayuhu balan qaaday in arrinka aqoonsi raadinta Somaliland uu si buuxda ugala shaqayndoono wasiirka cusub, aananu u adeegsandoonin mid siyaasadeed iyo xisbiyeedtoona, maadaamada siyaasadda arrimaha dibedu ay tahay lafdhabarta ay Somlailand u baahan tahay in ay isku taagto.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho UCID Media