Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 6-aad)

IID

Akhriste waxa aan qormaddii 5-naad ee qoraalkaygan taxanahaa kusoo qaatay dhacdooyinkii diplomaasiyadeed amma siyaasadeed ee dhacay ka hor shirkii 4-aad ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee Istanbuul iyo habkii Somaliland u wajahday isla wada hadalkaas Istanbuul.  Qormadan waxa aan ku eegii doonaa maxsuulka wada hadalkaas 4-aad iyo siyaabaha khaladka ah ee waftigii Somaliland ugu fasireen dadkooda.  Waxa kaloon qormaddan ku tusaaleen doonaa umadda Somaliland dariiqyadda ay usoo mareen amma ay u marayaan dalalka inala qadiyada ahi ka midha dhalinta himilooyinkooda qaranimmo.

Maxsuulka wada hadaladii afraad ee Istanbuul

Ka dib markii 2-ba maalmood la is-horfadhiyay ayaa maalintii 3-aad ay wufuuda 2-da dhinac, oo safiirka Turkey-ga u fadhiya Somalia dhex-fadhiyo, soo saareen 3 qodob oo ay markaas bayaaminayeen inay ku heshiiyeen.  Qodobadaas 3-da ah ee ay ku heeshiiyeen 2-ba ka mid ahi waxa ay ahaayeen in loo heellanaado sii socodka wada hadalka iyo in kulanka soo socda ku qabsoomi doono dalka Turkey-ga muddo 120 maalmood gudahood ah.  Laakiin qodobka ugu muhiimsana ee aan isdul-taagayaa wuxu yahay qodobka koowaad oo markuu af-ingiriisiga ku qoranyay u dhignaa sidatan:

  • Somalia and Somaliland: Agreed to the return of     the air traffic management from the UN and decided to establish a joint     control body that is based in Hargeisa to lead the air traffic control of     both sided.  It is also agreed that     this body will propose a mechanism for equitable revenue sharing.

Sababta aan maqaalkan af-soomaaliga ku qorayo ugusoo xigto qodobada aan ka hadlayo iyagoo, mar-marka qaarkood, ku qoran af-ingiriisi waxa ay tahay iyadoo qodobadaasi amma warbixinadaasi kusoo baxeen ugu horeyn luqadda ingiriisiga, umaddana u tuso in aan anigu sidaan jecelay u turjumaneyn ee dadka badan ee reer Somaliland ee luqaddan aqoonta u leh fursad u heystaan inay illa eegaan dabadeed haddii aan turjumida khaldaayo i-saxaan.

Ugu horeyn qodobkani waxa uu ka koobanyay 2-ba jumladood (two sentences).  Jumladda hore iyaduna waxa ay ka koobantay 2-ba qaybood oo ay isku xidhayso kalmada (and) xidhiidhiyaha (connective) loo yaqaano luqadda af-ingiriisiga.  Hadaba si aan dadka u fahamsiiyo nuxurka qodobkan, waxa aan qodobkan turjumiddiisa iyo faaleyntiisaba u kala qaad-qaadi doonaa qayb-qayb, waxa aanan ku horeyn doonaa jumladda koowaad qaybteeda hore oo u dhiggan sidatan:

  • Somalia and Somaliland agreed to the return of     the air traffic management from the UN.      Waxa ay Somalia iyo Somaliland isla-oggolaadeen soo celintii     maamulka hawada ee lagasoo celiyay Qaramada Midoobay (UN).  Hadaba sida jumladdani u taalo haddii     aynu rabno inaynu fahamno nuxurkeeda waxa inala gudboon inaynu iswaydiino     su’aasha ah YAA (who?) lasoo noqday maamulka hawada, wakhtima ayeeyna     lasoo noqdeen?  Waxa aan u     malaynayaa in jawaabta su’aashaas ay hayaan dadka sida dhaw ulla socda     ariimaha Somaliland.  Waxa ay aheyd     bishii May ee sanadkan 15-keedii markii wasiirka warfaafinta iyo gaadiidka     Somalia heshiis qeexaya lasoo noqodka maamulka hawada Jamhuuriyadii     Soomaalida, ee ay iyagu u yaqaanaan Somalia, kula saxeexday masuul ka     socda Qaramada Midoobay madaarka magaalada Muqdisho ee Aden Ade     International Airport. 

Marka hadaba aynu ka war hayno xogtan xukuumadda Somalia kulasoo wareegtay maamulka hawada xuduudaha ay sheeganayso waxa si aan mala-awaal aheyn u cadaaanaysa in qaybta horee jumladan amma weedhan aynu kor ku xusnay qeexayso in Somaliland oggolaatay in Somalia lasoo noqotay maamulka hawada Somaliland iyo Somalia-ba amma hawada dalkii la odhan jiray Somali Republic. Jumladda qaybteeda 2-aad waxa ay u dhigantay iyaduna sidatan:

  • And decided to establish a joint control body     that is based in Hargeisa to lead the air traffic control of both sides.  Waxa ayna go’aamiyeen inay sameeyaan     hay’yad wadaag ah, saldhigeeduna yahay Hargeisa, si ay u hogaamiso (waa     hay’yadaase) maareynta hawada ee 2-da dhinacba.  Jumladda 2-aad ee qodobkan iyaduna waxa     ay qeexaysaa in hay’yada wadaaga ahi soo bandhiggi doonto hab si dheeli     tiran loogu qaybsan doono dakhliga kasoo xarooda gaadiidka hawada     isticmaalaya.

Sababta aan muhiimka ugu arko in aan si faah-faahsan qodobkan u kala dhiggo waxa ay tahay iyadoo xukuumadda Somaliland umadeeda ugu micnaysay, saaxafaduna u turjumatay, in hay’yada amma gudida wadaaga ahi iyadu lasoo noqonayso maamulka hawada dalkii Somali Republic la odhan jiray oo markaas gudidaasi leedahay talada (Authority) hawadaas ee laakiin ayna sidaas aheyn oo talada iyo amarka ugu sareeya ee arinkaas qaabilsani taalo Muqdisho sida heshiiskii dawlada fadeeralka ah ee Somalia iyo UN-tu iftiiminayo.

Hadaba markaynu dib u eegno ee aynu qiimayno heshiisyadii kala dambeeyay ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia kasoo baxayay waxa kaaga iftiimayaa in rabitaankii iyo haybadii qaranimmo ee umadda Somaliland ay marba-marka ka dambeysa sii wiiqmayso oo caalamku u turjumtay in Somaliland ka tanaasushay go’aankii ay ku dhawaaqday 18-kii May 1991-kii. Werwer-ka waxa igu haya, tahayna in umadda reer Somaliland iswaydiiyaan, waa sababta ku kalifaysa waftigan wada hadalka inoo qaabilsan inay been ka sheegaan nuxurka qodobada heshiisyada ay Somalia lasoo saxeexdaan.  Ma aqoon darraa? Mise waa khaayin-nimmo oo Qaranimada Somaliland ayeey rabbaan inay si tartiib-tartiib ah u dumiyaan?  Tay doonto haka noqotee waxa marag ma doonto ah in haddii aan wasiirka cusub ee ariimaha dibadu badilin habka Somaliland u wajahayso wada hadalkan iyo waliba dadka uga qayb gallaya, waxa aynu filanaaba waa iyadoo kulanka dambena laga heshiiyo sidii badda Somaliland iyo Somalia (oo dawlada Muqdisho u ah Somalia) budhcad badeeda iyo qubka qashinka looga wada ilaalin lahaa oo loo sameyn lahaa guddi wadaag ah oo Berbera saldhigeedu yahay oo markaas la shaqaysa shirkadii Hollandis-ka (Dutch) aheyd ee dhawaan dawlada Somalia heshiiska kula gashay inay badda Somalia ilaaliso. 

Inta laga gaadhayo kulanka 5-naad ee Somaliland iyo Somalia, waxa aan soo bandhiggi doonaa dalalka amma umaddaha qadiyadeena oo kale soo maray amma imika ku jiraba bal si umadda Somaliland iskugu dherarin karto oo wax ka barato habkii ay u wajaheen ka midha dhalinta himiladooda qaranimmo.

Dalalka amma umaddaha Somaliland wax ka baran karto

In badan ayeeynu ka maqalnaa madaxdeena, muxaafid iyo mucaaridba, iyagoo leh: “Inaynu la hadalno Somalia waa sida qudha ee aynu ku gaadhi karno ictiraaf caalami ah oo Eritrea iyo South Sudan-ba waxa ay la hadleen dalalkii ay ka go’ayeen oo markaas oggolaaday”.  Hadaba waxa aan halkan umadda reer Somaliland ugusoo bandhiggi doonaa siyaabaha Eritrea iyo South Sudan ulla hadleen wadamada ay ka go’ayeen oo ayna siyaasiyiinteenu shicibkooda u sheegin markay kusoo hal qabsanayaan.  Waxa kaloon qoraalkaygan kusoo qaadan doonaa dalka la yidhahdo Sahrawi Arab Democratic Republic oo isagu ilaa maanta u halgamaya madax-banaani taam ah oo uu ka hello bulshada caalamka.  Sidaynu wada ogsoonay waxa jira dalal badan oo u halgamaya qaranimmo ee laakiin waxa aan kuwan u doorbiday hal qabsiga ay kusoo hal qabsanayaan siyaasiyiinteenu iyo iyagoo inagula yaala qaaradda Africa.

Haddii aan ku horeeyo Eritrea, dalkaasi waa dal xuduud la wadaaga dalalka Sudan(dhinaca galbeedka), Ethiopia(dhinaca koonfureed) iyo Djibouti (koonfur bari). Sidoo kale wuxu dhinaca waqooyi-bari iyo bari-ba ka kulaala badda cas (Red Sea).  Eritrea waxa gumaystay dalka Talyaaniga (Italy) iyadoo markaa ka mid aheyd dhulkii la odhan jiray Italian East Africa oo markaas dalka Somalia-na qayb ka ahaa.  Dagaalkii 2-aad ee adduunka ayaa Italy isku dayday inay dhul balaadhsi samayso oo ay markaas qabsatay dalalka Ethiopia iyo Somaliland sanadku markuu ahaa 1940-kii. Sanadku markuu ahaa 1941 ayaa Ingiriisku ( UK), isagoo kaashanaya ciidammo dalal badan oo Africa iyo Asia-ba leh ka yimid oo Somalilanders ku jiraan, weerar balaadhan ku qaaday talyaanigii dhulka qabsaday oo dhulkii uu qabsaday iyo kii uu markii hore ka talinayayba laga qabsaday.  Dalalkii Talyaaniga laga qabsaday wakthigaas ee uu isagu hore u haystay waxa ka mid ahaa Eritrea iyo Somalia. Sida aynu ka war qabno waxa uu Somalia ku wareejiyay Talyaaniga 1949-kii oo markaas heshiis UN-tu gadh-wadeen ka tahay (UN Trusteeship) ku maamulayay Somalia muddo 10 sanadood ah, ka dib markii ay reer Somalia iyagu dalbadeen in Talyaanigii loosoo celiyo oo isagu gaadhsiiyo madaxbanaanida.

Hadaba Eritrea iyada siduu ka yeelay Ingiriiskii? 

La soco qaybta 7-aad ee qoraalkan taxanahaa.

 

Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com




Leave a Reply