Wafti Ay Horkacayso Sarakaalad Sare Oo Ka Tirsan Hay?adda ACTION AID, SAYNAB MOHAMED HASAAN Oo Ay Ka Mid Yihiin Xildhibaano Ka Tirsan Gollaha Wakiiladda + Urrurada Bulshada Rayidka Ah, Oo Kampala Kula Kulmay Baarlamka Dalalka Uganda Iyo Kenya

image

(Kampala)Wafti ay

hogaaminayso Marwo Saynab

Maxamed Xasan oo ah Masuul sare

oo ka tirsan Hayadda Samafalka ee

ACTION AID, oo ah madaxa qaybta

haweenka ee Hay?addaasi oo

hogaaminaysa wafti ay ka

yihiin Laba Xildhibaan oo ka tirsan

Gollaha Wakiiladda Somaliland

Axmedyaasiin Sheekh Cali

Ayaanle, Iyo Cabdiraxmaan Yuusuf

Cartan, Iyo Urrurada Bulshada

Rayidka ah oo ay ka ka mid ahyd Guddoomiyaha Dalladda Haweenka

Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh

Xasan, oo safar

shaqo ku joogay caasimadda dalka

Uganda ee Kampala ayaa shalay la

kulmay Kula Kulmay magaaladda

Kampala Baaralamaanada

Wadamadda Uganda Iyo Kenya.

Marwo Saynab Maxamed

Xasan, ayaa faafihin dheeraad

ah ka bixiso waxa uu daaran yahay

ujeeddadda socdaalka xubnaha

waftigan ay hogaaminaysaa iyo

waxa uga qabsoomay illaa hada iyo

masuuliyiinta ay la kulmeen iyo

waxa ka soo bixi kara

socdaalkoodan iyo qaababka looga

faaidaysan karo ayaa ku jawaabtay

oo tidhi,

?Haweenku waxay aad u doonayeen

in Kooto loo horgeliyo,

Baaralamaankuna wuu laallay,

anaguna waxaanu ka shaqaynaynay

sidii ay dumarku siyaasadda uga

qayb qaadan lahaayeen, markaa

waxaanu go aansanay in aanu

Baaralamaankii Somaliland iyo

dumarkiiba aanu halkan (Uganda)

keeno, si aanu eegno dariiqa ay

wadamadan horumaray ay u soo

mareen Kootada, Markaa Shalay

waxaanu la kulanay Baarlamaankii

dalka Uganda iyo Baarlamaankii

dalka Kenya oo iyaguna dalkan

Uganda yimi , markaa wax badan

ayaanu ka faa?iaysanay, markaa

Isha Allah, marka aanu imika dalkii

dib ugu noqono si fiican ayaanu

uga faaidaysan doonaa waayo

aragnimadda aanu ka helnay

socdaalkayagan??.

Mar ay ka ka jawaabaysay su aal

kale oo aanu waydiinay oo ahayd

waxa ay filayso inay ka soo bixi

doonaan socdaalkoodan waxa tidhi,Isha Allaahu, wax fiican ayaa ka

soo bixi doona, dumarkuna dib

ayay isu abaabuli doonaan,

waxaanay isku dayi doonaan inay

dib u soo raacaan dariiqooyinkii ay

wadamada kale raaceen, Sidoo kale

Baarlamaankuna dhinacooda waxay

doonayaaan inay ollole xoog leh ka

galaan, Sidoo kale waxa aanu

doonaynaa in aanu Baaralaamka

Somaliland baro sidii ay arrimaha

dumarka ugu dhego nuglaan

lahaayen??.

Waxa kale, waxay xubnaha

waftigani isla xalay ay kulan

ballaadhan kula yeesheen

Jaamacadda Caalamiga ah ee

Kampala International University

(KIU), dhamaan ardaydda

Somaliland ee wax barata

Jaamacadaha kala duwan eek u

yaalla dalka Uganda oo ay hor

kacayaan hogaanka daladda guud

ee Urrurka radaydda Somaliland ee

wax ka barata dalka Uganda oo uu

Wariye khadar bitijoor

khadarbitijoor@hotmail.com

+256791661106 ama 0791661106

OFFICE UGANDHA

Wararkii ugu dambeeyey

 

hormood u yahay Guddoomiyaha

dalladu Saleebaan Cabdiraxmaan

Xussen.

Kulankan oo ay ardaydu waftiga siiba labad xildhibana ay fareen in ay xukumada somaliland ka gaadhsiiyan risaalad ah inay uu bahn yihiin safiir iyo arimo dhowr ah xiiso badan fareen dhanka kale waxay suaalo aad u adka saxafada iyo ardaydu ku weydisay labad xildhibaan barlamaanka somaliland ka socda iyado aanu sida ugu dhaqsaha badan idinku soo gudbindoono inshallah.