Wajigii Labaad ee bixinta Sakaatul Fitriga Ururka samafalka ah ee HALDOOR OGR.

 

libaax1

Wajigii labaad ee bixinta sakawaatka ururka , qaybtan aya waxaa uu ururku siiyey danyar dagan xaafada libaaxyadda Oo Ka Mida Dagmada Mahamuud Haybe ee magaalada Hargeisa .

 

Allah waxaan uga baryayaa walalaha kusoo deeqay lacagtan raashinka looo siyey masaakinta in uu allah ka sawaabiyo

Waxaa aad wax looga war waro ah qaybtan danbe markii aanu bixinaynay gabadh ka mid ah kuwa raashinka aanu siinay ayaa noogu dhaaratay in maanta aanay haynin waxay u kariso caruurta markiii la siiyey raashinkiina ilmo isku soo taagtay saacad ku dhawaadna u ducaynaysay dadki soo diray raashinkan

 

libaa2

Deeq dan ayaa waxa Goob joog ka ahaa Oo U qaybiyay Dadkaas Maskiinta ah, Agaasimaha Ururka Hal-door org. Deeq Cismaan Daahir Iyo Qasnajiga Hal-door org. Mudane Cabdinuur M.Carab,Iyagoo ku dheeraday Sidii hawshan ku Timid una Mahamed celinayay Xubnaha Qorbu jooga ah ee suura galiyay deeqahan kala duwan.

 

 

Malin ka hor uun bay ahayd markii ay deeq noocan oo kala ah ay gaadhsiyeen,Qoysas ku nool Dagmada maxamed mooge iyo Xarunta Agoomaha darbi jiifka ah ee Ku Tala Dagmada maxamed mooge, deeq daas oo ka koobnayd Rashiin iskugu jira Bariis, Daqiiq,Sonkor, Baasto Oo dhanayd 21 Gadbadood, Iyo Bundad dhar ah.

libaax4

Deeqahan uu urur ka hal-door dhawanahan uu qaybinaayay ayaa waxa iska kaashaday Xubnaha urur ka hal-door oo ku kala Nool Qaradaha Aduunka

Sida USA, UK, SWEDEN, HARGAYSA.

 

Wararkii ugu dambeeyey