Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ku Sugan Magaaladda Burco Ayaa Si Rasmi Ah Uga Hadlay Hawlaha Sahaminta Shidaalka Iyo Tabashada Ku Gedaaman (Daawo).

Hargeysa (SM) Aug.30, 2013 – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade oo socdaal ku joogga magaalada Burco, ayaa si rasmi ah uga hadlay hawlaha sahaminta shidaalka. Wasiirku waxa uu ka waramay habka loo qoondeeyey sahaminta shidaalka degaanada bariga iyo galbeedka gobolka Togdheer, waxaana uu sheegay in tegi doonaan goobaha sahamintu ka socoto wixii madmadow jirana ay xalin doonaan.
Wasiirka waxa magaalada Burco su’aalo ku aadan arintaa ku weydiiyey weriye ka tirsan Telefishanka Qaranka, waxaana suaalahaasi u dhaceen sidan ee daawasho haboon: