Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Iyo Wafdi Ay Hogaamineyso Oo U Ambabaxay Dalka Shiinaha (Sawirro)

Aug 19, 2013 Mogadishu (SM)- Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda shiinaha , kadib martiqaad rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dowladda shiinaha. Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mahdi Maxamuud Cali, Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska,gaadiidka badda ,dekadaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa u qorsheysan inay la kulanto Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda shiinahaoo ay kala hadli doonto qaabkii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka wadaagga ah ee labada dal ka dhaxeeya .