Wasiirka Duulista Oo Mahad-Naq Balaadhan U Jeediyey Beelihii Walaalaha Ahaa Ee Shaqaaqadu Ku Dhex-Martay Deegaanka God-Heeli

(SM:Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta u mahad celiyey ergooyinkii goboladda Somaliland ee u soo gurmaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday degmooyin reer guuraa ah oo u dhexeeya deegaamada Gar adag iyo Oog.

 

Wasiirku waxa kale oo uu u mahadceliyey Ciidammadii Ammaanka sugayey iyo labadii dhinac ee u hogaansamay ergooyinkii nabaddaynta.

 

Wasiirka oo xafiiskiisa ugu waramayey Idaacadda Radio Hargaysa ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magca xukuumadda, ka mas’uuliyiinta deegaanadaas iyo ka shacabka Somaliland-ba uu u mahdcelinayo xukuumadda Somaliland iyo dadweynahii gobolada iyo degmooyinka ka soo kala gurmaday ee hawsha nabadaynta u tegay.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu xusay inuu ciidammada kala duwan ee ammaanka ku bogaadinayo sidii ay ugu heelanaayeen inay dadkooda kala badbaadiyaan oo ay muddo dheer dhaxanta u taagnaayeen sugida ammaanka deegaankii shaqaaqadu ka dhacday.

 

Wasiirka Duulistu waxa uu sheegay in hadda ay hawsha dhamaystirkeeda gacanta ku hayaan guddi dhexdhexaad ah oo u kala guraysa labada dhinac wixii loo kala xukumo, hase yeeshee ay marka hore si toos ah u wada hadlayaan labada dhinac wixii ku adkaadana ay ula soo noqonayaan gudida dhexdhexaadinta.

Md. Maxamuud Xaashi oo la hadlayey dadweynahii deegaanka shaqaaqadu ka dhcaday waxa uu u soo jeediyey inay nabadda ilaashadaan iskana dhowraan wax kasta oo wax u dhimaya.

 

Dhanka kalena, Wasiirku wax uu ammaan balaadhan u soo jeediyey warbahinta dalka doorkii ay ku lahayeen xallinta shaqaaqadaas.

 

Salaanmedia/Hargaysa