Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo Xukuumadda Ku majeertay Horumar

“Balan qaadkii KULMIYE wax badani ayaa ka fulay , sida mushaharka shaqaalaha oo 100% loo kordhiyay, derajada ciidamada la siiyay iyo miisaaniyadda korodhay”

“Ma aha markii u horaysay Oo ay Dawlada Soomaaliya ku kacdo waxyaabo ay isleedahay Somaliland ku cunaqabateeya…”

“Shirkada Somaliland Lacagta u daabacdaa waa shirkad ganacsi oo madaxbanaan..”

Hargaysa (SM):- Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ahna xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in xukuumadda hada tallada haysaa ay intoodii badnayd fulisay waxyaabihii ay ku balan-qaaday xilligii lagu jiray ololaha doorashaddii madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26-kii June 2010-kii.

Waxaanu tilmaamay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay xukuumadu fulisay ay ka mid yihiin kordhintii mushaharka shaqaalaha dawladda, bixintii derejada ciidamadda, kor u qaadida dakhliga dalka soo gala iyo sidoo kale siyaasada arrimaha dibada oo uu sheegay in ay horumar balaadhan ka gaadhay.

Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo jooga magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay wasiir ka tirsan dawlada Taagta daran ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh-ka Soomaaliya, ee ahaa in ay dastuuri tahay in hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho.

Waxaanu hadalkaasi ku tilmaamay mid dhaawacaya qodobadii lagu heshiiyay shirkii Istanbuul isla markaana ee ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen beesha caalamkuna goob jooga ka ahayd.isaga oo xusay in arrintaasi ay muujinayso in aan wax heshiis ah lala geli Karin dawladda Soomaaliya.

Md. Aadan Dhoolayare oo ugu horayn ka hadlayay qoddobadda xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo u hirgalay waxa uu yidhi “Balan qaadkii uu sameeyay xisbiga KULMIYE markii uu ku jiray ololaha, aniga aragtidayda waxaan qabaa wax badani way ka fuleen oo way qabsoomeen, tusaale ahaan shaqaalaha dawlada oo mushaharka 100% loo kordhiyay, derajada ciidamada la siiyay, dhaqaalaha dalka iyo miisaaniyada oo kordhay, dhaqaaleheenu wuu kooban yahay, wax badan oo laga yaabo inay dadku si fudud u haystaana aanay weli hirgelin, waayo marka aynu ka hadlayno dhaqaalaha aynu leenahay Somaliland ahaan laba meelood oo keliya ayay wax inaga soo galaan,mid waa isha galbeedka ee Qaadka iyo dekadda Berbera, wax soo saar kale ma lihin, marka la qiyaaso waxa ina soo gala iyo waxa aynu kharash ahaan u isticmaalno, waxaan odhan karaa inta aynu isticmaalo ayaa badan ee la isticmaalo xukuumad ahaan, maxaa yeelay waxa kooban wixii ina soo gelayay”.

Waxaanu intaasi raaciyay “Anigu wasiir ayaan ahaa xukuumadii hore, dadka shicibka ee xukuumada ku jirin way la fududahay arrintu, laakiin haddii aanu is yeela yeelaynin wixii runta ah qofkastaaba wuu ogyahay, xaqiiqadana waynu wada ognahay, nin kasta oo dhaqaaleyahan ah in uu ku xisaabtamo marka u horaysa waa in uu ku xisaabtamo waxa dalka soo gala, caalamka kale waa laga caawiyaa dhinaca dhaqaalaha, hadii aynu soo qaadano dawladaha Afrika, gaar ahaana dawaldaha hareeraha inaga xigga sida, Itoobiya, Jabuuti, Kiiniya ama kuwa bariga Afrika ee inagu dhaw, miisaaniyadooda oo dhan caalamka ayaa bixiya, Kiiniya 30% caalamka ayaa bixiya, Jabuuti waa la kabaa, Itoobiyana waa la kabaa, inaga cid miisaaniyada aynu leenahay inaga kabtaa ma jirto, waxa keliya ee ay dawladu ku shaqaysaa waa Xiniin Jiif iyo Uur jiif waxa caalamku u yaqaano. haddii aynaan dad Soomaaliya oo islaama ahayna waxaan qabaa in aanay waxan aan ku shaqayno ee ah dhaqaalahan iyo dawladnimadan ayuu dhisanay midna aanay suurtagasheen, waayo umada Soomaalidu waxay leedahay dhaqan aad uga duwan dhaqamada dalalka aynu jaarka nahay, labada qof ee walaalaha ahi waxba isma siiyaan wadamada kale, sida aynu inagu isugu dul nool nahay bulshooyinka kale ee caalamku isuguma dul noola. Markaa waxyaabihii uu xisbiga Kulmiye ku balanqaaday waxana way hirgaleen kuwo kalena way hirgeli doonaan, waxna suurtagal ma aha inay hirgalaan wakhtigan xaadirka ah” ayuu yidhi dholayare.

Isaga oo ka hadlaya dhinaca siyaasada dibada waxa uu yidhi “dawladani waxay u badheedhay in ay fool ka fool ula fadhiisato, lana hadasho dawlada Soomaaliya, kaasi oo ah fikirka aan anigu shaqsiyan weli qayba qabay una arkayay marar horena aan ka hadlay, waxna uga qoray, taasi oo ah in ay xaq tahay in ninka ay wax idinka dhexdeeyaan aad is-hor fadfhiisataan, oo wixii idinka dhexeeya ee aad wada leedihiin is-waydiisaan, taasi waxaan aaminsanahay in ay tahay waajib in Soomaaliya lala hadlaa.caalamkuna wuxuu had iyo jeer inagu soo riixi jiray hadaad Soomaali tihiin idinku wada hadla, laba qof oo wax isku haya haddii ay is afgaran waayaan marka ay wada hadlaan, caalamkuna wuu soo dhex geli karaa, laakiin marka hore in aynu wadahadalno ayaa muhiim ahayd, talaabadaasina waa mid guul u ah xukuumada KULMIYE, wax badan oo inaga dhimana way jiraan guddo iyo dibadba”.

Wasiirkii hore ee wasaarada caddaalada xukuumadii UDUB, ayaa sidoo kale ka hadlay qoraal ashkato ah oo la sheegay in ay dawlada Xamar si hoose ugu gudbisay shirkadda Somaliland lacagta u daabacada ee fadhigeedu yahay dalka Britian, taasi oo la sheegay in ay kaga dalbatay dawlada Soomaaliya shirkadaasi in aan wax lacag ah loo daabici karin Somaliland.

Waxaanu Aadan Dhoolayare tilmaamay in aanay arrintaasi waxba ka bedeli karin heshiiskii ay hore u kala saxeexdeen Somaliland iyo shirkada u daabacada lacagta oo ah shirkad madaxbanaan isla markaana xeerarka shuruucda u yaala dawladaha reer galbeedku uu yahay mid ka duwan sida ay moodayso dawlada Soomaaliya.waxaanu yidhi “Arrintaa taasi waa mid iyaga u taalaa, oo marka hore haddii ay dawlad yihiin waxay ahayd heshiis ay si caalami ah u galeen in ay ilaaliyaan,waana waa waajib iyaga saran, qodobadii hore ee aynu galnay ayaanay ku taalay in heshiisyada caalamiga ah ee la galo labada dhinacba ay dhawraan, talaabadaasina waa mid iyaga fool xumo ku ah, haddii markii Turkiga la joogayna ay soo qaateen oo ay aqbaleen markii guddaha la yimidna ay yidhaahdeen waxba kama jiraan, waxbaanu u dhimayaa heshiiskii, waxaanay noqonaysaa in wixii lagu soo heshiiyay ay ka bexeen inkasta oo aanay weli si cad u sheegin, laakiin waxay arrintaasi inoo cadaynaysaa in aanay ahaynba dad wax lagula hadlo iyo wax lagula heshiiyo midna aanu jirin oo kolba wixii lagu talaabsaday ee goobjooga loo wada ahaa ka baxaya. arrintaasi lafteedu waxay ka mid tahay qodobadii lagu heshiiyay ee ahaa in aan wax carqalad ka dhex abuuri kara labada dal, lagu kicin inta ay wada hadaladu socdaan, mana aha markii u horaysay oo ay dalwad ka mid ah kuwii soo maray Soomaaliya ay waxyaabo noocaas oo kale ah caalamka ka ashkateyeen Somaliland, taasina iyaga ayay qaran jab ku tahay”.

Waxaanu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay oo ay dawlada Xamar ku dhaqaaqdo talaabo noocan oo kale oo ay doonayso in ay ku cunaqabtayso Somaliland isla markaana ay marar badan oo hore samaysay isku dayo noocan oo kale ah.
Waxaanu yidhi “Shirkada lacagta Somaliland u daabacdaana waa shirkad ganacsi oo ka madaxbanaan dawladooda oo in ay dastuurka iyo xeerarka ilaaliyaan ma aha ee aan wax kale lagu qabsan karin, mana aha markii u horaysay ee ay ku kacaan waxyaabo ay isleeyihiin Somaliland ku cunaqabateeya, waxa kale oo jirtay dhawaan iyaga oo dawlada Suudaan ku ydihi ardayda waxbarashada ka hela, anaga hanala soo mariyo.waxaanay muujinaysaa in dawlada Soomaaliya ay samayso arrintan oo kale kalsooni darro ay qabaan. Annigu waxaan aaminsanahay arrintaasi in aanay waxba uga suurta gelaynin dawlada Soomaaliya, waxna ka bedeli doonin xidhiidhkii iyo heshiiskii ay Somaliland la gashay shirkada lacagta u soo daabacda, waayo shirkadani waa shirkad ganacsi oo madxbanaan, shirkadaha reer galbeedkuna cidii ay la macaamilayaan way u madaxbanaan yihiin, waxaana ka muuqata ashkatada ay u gudbiyeen dawlada Soomaaliya shirkadda Somaliland lacagta u daabacada aqoon darro badan,Waxaanay u haystaan dawlada Ingiriiska sida dawladaha ay digtaytarada ama keli taliyeyaashu hogaamiyaan oo kale, ee ay dadka iyo shirkadaha ganacsigaba u yeedhiyaan wixii ay doonayaana u marsiiyaan.

dawladan Britain-na waa dawlad reer galbeed ah, malaha waxaanay ogayn in shirkadu ay ka madaxbanaan tahay dawlada, laakiin waxa keliya ee ay shirkada talaabo ka qaadi kartaa dawladu haddii ay ku xagudubto ama jebiso shirkadu dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala, sida inay shirkadu daabacdo lacag foojari ah iyo waxyaabo la mid ah”.

 

Salaanmedia/Hargaysa

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN