Xaaladda wadanka ka taagan oo soo shabahda sheekadi saddexdi Dibi iyo Dacawadi. By Xamse

download (1)
Meel fog haka eegin tusaalaha maanta xaaladda wadanka ka jirta aad ku matali lahyd, iyado cid maanta waji laga sugiya ama lagu xishmeeniyo aney jirin, hadi ay noqoto maato iyo caruurti oo tahriibeysa iyo sida badheedhka ah ee xaafad madaxtooyada oo qudha iyo kaba qaadkooda lugu adeegiyo.
 
Waagi skoolada hadi aynu dib ugu yara noqono, waxaynu yara xasuusan karna, iney mucalimiintu kula dardaarmi jireen ardeyda iney mar walba midi nimada ilaaliyan, sheekadaas oo ahyd tu ku caan baxday khiyaamada ama kolka midawga lagu burburinayo. 
 
Hadaba waxyar oo ku saabsan xaalada maanta ka jirta Somalialnd waxa lagu mateli kara, dhacdadi saddexda dibi ay dacawada ku so dhaweeyeen daaqooda, muddo ka dib waxa dhacday iney dacawadi xaqiiqsatay midinimada dhex taal saddexda dibi oo marnaba la bur-burin karin , elle wa dacwo oo khiyaamo kama dheera, saddexdi miskiin ayey dicfigoodi ogaatey, si deg-deg ahna wey ku hawl gashay. waxa ugu horeeyey dibigi caddaa,  muddo gaaban kadib ki casaa, ugu denbeytina ki madowa aya is ogaadey inaanu maanta ciirsi lahyn, madaam labadi hore si arxan daro ah lagu khaarijiyey, waxaanu yedhi ” ANIGA MAANTA IMAAD CUNIN EE WAXAAD I CUNTAY KOLKAAD DIBIGI CADDA AAD CUNTAY “.
 
Dibiga cadd waxa ka ahaa Somaliland reer Xaqsoor, oo lawada ogaa sida waxshnimo ee arxan darada ah lagu wada jiidhey saqiir iyo kabiir, rag iyo dumar kadibna lama xaal marin ilaa iyo hadda. Dibiga Cass waxa ka ah reer Agabar oo lawada ogyahay shirki sida isteerinka loga dareewalinayo madaxtooyada, lana ogaleen inu midhu dhal yeesho shirkaasi, iyo reer Agabar dhexdooda hada la kala fogeeyey. Dibiga Madawo wa barta ay dhibaatadu ka taagantahay ee Sanyare iyo Waraa-beeye oo cid garab istaagta aaney jirin madaam xulafadi la midheesdey, midinimadina la bur-buriyey lagana awood batay.
 
Ugu danbeeynti sheekada aya ahyd in midinimada mar walba la ilaaliyo lana xoojiyo, waayo gacmo wada jir ayey wax ku jaraan, xulafadu iney isgartaan wa mid taal, iney usha agtooda ku dhacaysa dareemaan intaan caloosha laga gelin.