Xiddigii Reer Ecuador Christian Benitez Ayey Naftu Ka Uguugtey Markii uu Afweynta u Dhacay(Heart Attack) By Jaahuur.

image

Doha-Qatar-Aug-01-2013-(SM)Ottawa-Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu manta ula qaxaynaa xagaa iyo carigaa Qadar oo xiddiggi reer Ecuador Christian Benitez una ciyaara naadiga  AL-jaish Club ayaa afweynta dhulka darsadey,markii uu wadnahu istaagey.

Meydkii Christian Benitez ayaa loo qaadey wadankiisii Khamiistii ,markii aynu saddexdii cisho ee aynu soo dhaafney uu ku dhintey dalka Qadar caasimaddiisa Doha.

Christian Benitez oo naaneystiisa loogu yeedho Choucho 27-na jirey ayaa meydkii naxashkiisa oo lagu soo qurxiyey ubaxyo kala gedisan iyo sawaridiisa waxaa waheliyey xaaskiisa Liseth Chala iyo qarabadiisa qaar ka mid ah dabcan waxaa an ka maqneyn oo maca salaameeyey ciyaartoydii isku kooxda ahaayeen.

Benitez ayaa naadiga Al-Jaish ku soo biirey bishii aynu soo dhaafney ee july,naadiga ayaa ka dhawaajiyey inuu bakhtiyey Isniintii maalin uun markii uu ciyaarey ciyaartii ugu horeysey.

Madaxdii Ecuadorna waxay shaaca ka qaadeen in laacibka loo qaadey Cisbitaalka calool xanuun ba’an awgii una dhintey (Cardiorespirator Arrest).

Anigu wax kale uma maleynayo,wadno istaag markasta ayuu ku dhacaa qof xanuusan iyo qof aan xanuusaneyn,Benitez laacib wanaagsan ayuu ahaa oo xoog badan sidaana waxaa ka dhawaajiyey madaxa naadiga Al-Jaish Naasir Maxamed Al-Ali.

Laacibkan oo ka soo ciyaarey cariga Ingiriiska,Meixco,Imaraadka iyo Qatar ayaa lagu aasayaa tuuladii uu ku dhashayee (Quito)

W/Qorey Jaahuur

Salaanmedia/Doha Qatar

jjaahuur@Hotmail.com

Â