Xisbiga UCID oo si buuxda u soo dhoweyay,una taageeray Shirka Beesha Sacad –Muuse ,ee loo bixiyey « Hoodaale »

Ujeedo :-  Taageero shirka  Beesha Sacad-Muuse

uicid

Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan  uga soo gudbino  guud Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu  aaminsan nahay in  Shacabka reer Somaliland  ay  masuul ka yihiin   ilaalin —-adkeeyan nabada –wada tashiga iyo horumarka guud  ee dalka Somaliland.

Sidaa daraadeen Xisbiga Daryeel iyo Cadaalada(UCID),wuxuu   halkan ku cadeynayaa :-

 

 

 

1.     Waxaanu si buuxda u soo dhoweynayaa,una taageeraynaa  Xisbi ahaan Shirka Beesha Sacad –Muuse ,ee loo bixiyey « Hoodaale »,kaas oo la qorsheeyey in uu  ka furmo  doono  degmada Agabar ,ee gobolka Gabilay 18.08.2013.

 

2.     Xisbiga UCID,wuxuu u arkaa shirkaas mid  ay xaq u leeyihiin Beeshu,danaha u gaarka ahna ay Beeshu,kaga tashanayso.Waa u ducaynaynaa in uu ugu qabsoomo,uguna dhamaado nabad gelyo, warka ka soo baxaana uu noqdo mid Beesha ,Beelaha kale iyo guud ahaan Somaliland waxtara.

 

3.     Xisbiga UCID,wuxuu ku baaqayaa in shirka la daayo fara-gelinta carqaladeynta . Waa xaqiiqa in ay Beshu xaq u leedahay in ay danaheeda ka shirto sidii Beelaha kaleba uga shireen danahooda,ugana shirdoonaan mustaqbalka.

 

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

                              Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman