XISBIGA WADDANI LAANTIISA BIRMINGHAM OO DOORTAY GUDOOMIYE CUSUB.

images

Xaflad si heer Sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Birmingham ee Waddanka UK, Xafladan oo ujeedada loo qabtay ahayd sidii Laanta Birmingham u dooran lahayd Gudoomiye Cusub maadaama Gudoomiyihii hore ee Laanta Mudane Yusuf Abdullahi Adam “Yusuf Sadexle” u dalacay xilka Gudoomiyaha Dhaqaalaha ee Xisbiga Waddani UK ayaa ku qabsoontay jewi aad u wanaagsan.

Hawl-wadeenada Laanta Birmingham iyo Xubno ka tirsan taageerayaasha oo goobtan isugu yimid ayaa ka faalooday in si loo dar-dar geliyo hawlaha laanta u yaal ay lagama maarmaan u tahay in Laantu yeelato Gudoomiye maadaama Gudoomiyihii hore uu yeeshay xil-shaqeed kale. Xubnihii kulankan isugu yimid ayaa Goobtii ku doortay Gudoomiye Cusub, iyagoo Xilkaas u doortay si cod buuxa ah Mudane Abdi Mohamed Farah oo laga bilaabo 24 August 2013 loo doortay Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laantiisa Birmingham.

Xubnahan ayaa Gudoomiyihii hore Yusuf Sadexle ugu hambalyeeyay waxqabadkiisii mudadii uu xilka hayey iyagoo taabtay in midhihii ka soo baxay wax-qabadkiisiina ay keentay inuu ka dalaco xilkii uu hayey laguna aamino inuu noqdo Gudoomiyaha Dhaqaalaha ee Xisbiga Waddani Laantiisa UK,  waxaana loo rajeeyey in Ilaahay u fufudeeyo Xilkiisa. Sidoo kale xubnahani waxay Gudoomiyahan cusub u balan-qaadeen inay la garab istaagayaan wadashaqayn buuxda si uu hawlihiisa u guto iyagoo ugu dambayna ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay.

Gudoomiyihii hore Yusuf Sadexle iyo Gudoomiyahan cusub Abdi Mohamed oo iyaguna goobtii xil-wareejinta ka hadlay ayaa u mahadnaqay xubnihii goobta isugu yimid iyo guud ahaanba taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Birmingham xiligii ay soo wadashaqeeyeen, iyagoo sidoo kalena kula dardaarmay kana codsaday xubnahan wadashaqayn buuxda inay la garab istaagaan xilalkoodan cusub ee loo doortay. Xafladan ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan oo weji-furnaan iyo farxadi ku dheehan tahay.

Afhayeenka Xisbiga Waddani
Laantiisa UK
Mudane Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
London.