XISBIGA WADDANI LAANTIISA UK OO LACAG UGU DEEQDAY DHISMAHA GAROONKA DIYAARADAHA BURCO.

download (1)
Xisbiga Waddani wuxuu kaalinta ugu horeysa ee Axsaabta Siyaasadeed kaga jiraa ma ahan oo qudha dhinaca Hufnaanta Siyaasada iyo Haysashada Taageerada Shacabka Somaliland, balse waxuu xataa kaga horeeyaa Axsaabta kale dhinacyada horumarinta Arimaha Bulshada iyo ka qayb-qaadashada Horumarka Waddanka. Taasna waxaa tusaale kuugu filan sida Xisbigu uga qayb-qaato adeegyada bulashada ee ay ka midka yihiin dhinacyada Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Wadooyinka, Nabadaynta iyo qaybo kale oo badan.

Sidaas si la mid ah ayuu Xisbiga Waddani kaalin mug leh ka qaataa Taakulaynta Danyarta, Agoomaha iyo Hoy-laawayaashaba kuwaas oo uu ugu deeqo, Lacag, Raashin,  Dhar iyo Xoolo nool hadba waxuu awoodo. Sidaan ka war-qabno Xisbiga Waddani isagoo ah Xisbiga ugu da’da yar Axsaabta Siyaasadeed ee ka dhisan Waddanka S/land ayuu hadana xawaare aad u sareeya ku dhaafay Xisbiyo Qaan-gaadh ah oo intaynu axsaabta samaysanayba jiray.

 
Xisbiga Waddani Laantiisa UK iyadoo ka duulaysa Siyaasada iyo Qorshaha cad ee Xisbiga ayay marwalba kaalin mug leh ka qadataa hawlaha Waddanka lagu horumarinayo iyo taageerada danyartaba waxaana tusaale kuugu filan kaalintan waxtarka ah ee ay ka qaadatay mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco, kaasoo ay Laantu shalay oo taariikhdu ahayd 25th August 2013, gudoonsiisay lacag dhan $1000 “Kun doolar”-ka Maraykanka ah Gudiga dhaqaalaha ugu xilsaaran Garoonka ee ka dhisan Waddanka UK; tani waxay tusaale iyo hordhacba u tahay sida Laanta UK diyaarka ugu tahay ka qayb-qaadashada horuminta waddanka.
Laanta UK ee Xisbiga Waddani waxay xili walba diyaar u yihiin iyagoo fulinaya Ajandaha guud ee Xisbiga Waddani inay kaalin mug leh ka qaataan arin kasta oo waxtar u ah Dalka iyo Dadkaba. Qadarkan lacagta ah oo bilow ah awgeed ayay Laantu cadaynaysaa inay arinta Airport-ka isha ku hayn doonto hadba baahidiisu halka ay taagan tahay, iyagoo diyaar u ah inay hadba intii tamartood ah talaabsan doonaan.

Afhayeenka Xisbiga Waddani
Laantiisa UK
Mudane Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
LondonÂ