Xisbiga Waddani oo BAAQ nabadeed u direy dadka walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay god heerin.

 

Waddani   

 

Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka God heerin in ay colaadda iyo dhiigga daadanaya joojiyaan nabadana soo celiyaan, isagoo xisbigu tacsi u diray beelaha walaalaha ah wixii dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland, waxa uu kaga dalbaday beelaha deriska iyo walaalaha ah ee dhibaatadu ku dhex martay deegaanka god heerin in ay colaadda joojiyaan, isagoo dhinaca kalena xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay ka hawlgalaan qaboojinta shaqaaqada ka aloosantay deegaanka god heerin.

Gudoomiyuhu wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku yidhi

?Waxan baaq nabadeed halkan uga dirayaa beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka god heerin, waxaan leeyahay  walaalayaal colaadda wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, sidaa darteed waxan idinka codsanaynaa labadiina dhinacba in miyirka lagu soo noqdo oo aad xeerisaan walaaltinimada iyo daris wadaaga.

Waxaan sidoo kale tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinaynaa labada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka god heerin anagoo wixii dhimasho ahna ilaahay uga baryeyna inuu u naxariisto wixii dhaawac ahna caafiyo.

Xukuumadda Somaliland waxaanu leenahay sida ugu dhakhsiyaha badan waa inaad u joojisaan shaqaaqadaas si aanay cid kale inoogaga dhimanin, isla markaasna aad soo celisaan nabadda.

Qaran ahaan ummadda reer Somaliland xukuumad iyo shacbiba waxa innagu waajib ah in aynu arrintaas ka gurmano oo labada dhinac kala dhexgalno si aan dhiig dambe u daadan.

Waxaynu ku soo caano-maalnay in aynu dhibaatooyinkeenna ku xalino wadahadal iyo walaaltinimo,? ayuu gudoomiyuhu ku yidhi warsaafadeedkiisa.

Salaanmedia/Hargaysa