Xukuumada Kulmiye iyadaa mucaarid Isugu filan maantana malaba wasiir ayaa laba magaalo u kala saftay cajib!!

Xukuumada Kulmiye iyadaa mucaarid Isugu filan maantana malaba wasiir ayaa laba magaalo u kala saftay cajib!!

image

Xukuumada Kulmiye iyadaa mucaarid

Isugu filan maantana malaba wasiir

ayaa laba magaalo u kala saftay cajib!!

 

waxaa inbadan lasheegi jiray oo dadku ka dhawaajin jireen in markii ay xukunka ku guulaysteen xisbiga kulmiye markiiba la arkay iyagii oo kala socda oo is barbar yaacaya si bila barotukool ah oo iyagu marfishyada isku qalaaya oo midiba ka kale wax ka sheegayo oo markiiba ay xukuumadii iyo golahii wasiirada ee meesha qudha looga talinaayay ka aboormeen kooxo midiba aanay kooxda kale arki karin arintan oo noqonaysa wax ku cusub nimaadka dowladaha caalamku u shaqeeyaan waayo waxaa sida caadada ah golaha wasiiradu wiigii ama labadii wiig yeeshaan shir lagaga wada hadlo sidii dadka loogu shaqayn lahaa waxaa markhaati madoona wiig kasta shirka ay golaha wasiirada xukuumada maanta talada haysa ay yeeshaan halkii laga dardar galin laha shaqooyinka iyo wasiir waliba waxii uu soo qabtay wiigan waxa u qorshaysan waxa ay kaga dhamaata heshiisiin uu madaxweynuhu heshiisiiyo maalinba laba wasiir iyo laba kooxood oo is haysta iyagu marka bal waxaad ka fikirtaan maxay qaban karaan dad ama madax meel ka wada shaqaysa oo wiig walba iyagii la heshiisiinayo oo la turxaan bixinayo,

Waxaad halka ka garan garta mushkilada haysata nidaamkii ay ku shaqayn lahayd xukuumada maanta jirtaa waa wasiiro kala socda oo tartan ugu jira sidii mid waliba ka kale madaxweynaha ula xamanlaha iyo boobka hantidii dadka ayay kaga mashquuleen shaqadoodii dadkiina cid u shaqaysa ayay laa yihin wasaaradaha badan kooda wasiirku wuxu yimaada 11am waxaanu rawaxa saacad kadib marka intee in leeg ayuu shaqo qaban kara inagoo hore u ogayn inbadan oo katirsan wasiirada iyo xukuumada oo is haysta ayay maantana ugu daraayeen,

 

Tusaale waxa inoogu filan wasiir Samaale sheekhan kutub xooray ee aduunyadu diintiisii ka mashquulisay iyo boobka hantida umadda ee wajaale ka dhistay guriga uu ugu talo galay qasriga ee la yaaban yahay lacagta ku baxday sidii uu ula tartamaayey mujaahid Muse Biixi Abdi oo aan wada ogayn siday warbaahinta isugu jawaabayeen

ayaa maantana intuu gabilay Ciidii kula tukaday reer gabilay salaadii ka akhriyey kudhbad diini u ekayd lakiin uu duur xul uqa dhigaayay qaar ka mida wasiirada isagoo sida warbaahintu sheegtay namruudkii kibray ee ilahay kaneecada usoo diray iyo ka hadlay kelmadii fircoonkii ilaahnimada sheegtay caanka ku ahaa ee anaa anaa oo loo malaynayo inuu ula jeeday kooxaha ay is hayaan ee ka tirsan wasiirada,

 

Waxaan wada ognahay in mayorkii Gabiley u diiday hookii dowlada hoose wasiirka kharaajiga ee ina Abdilahi Cumar iyadoo ay arintaasi warbaahintu qaada dhigaysay wa wax laga xishoodo runtii in laba magaalo oo jaar ah dad wada dhashay daganyihin durba khilaafkii wasiiradu gaadho oo ay isugu jawaaban warbaahinta xaaladu meel xun ayay maraysa hadaan wax laga qabana way ka sii dari doonta,

Ugu danbayntii waxaan madaxweynaha Somaliland usheegaya waan fahamsanay inuu madaxweyne Siilaanyo uu rabo inuu wadanka wax u qabto oo (legacy) giisa qaribin waan ku amaanaya darajada uu ciidamada Siiyay inkastoo cabasho jirto hadana madaxweynaha wanku barbar taaganay talaabo kasta oo uu xaga horumarka u qaado waxaan leeyahay madaxweyne hadii nin farsamo yaqaani isagoo shaqa wada tuulka qaar ka xumaado dee wa badalaa waxaad u baahantay madaxweyne inaad hoos u eegto toolka aad ku shaqaynayso waxii xuna aad iska badashay si shaqadaadu u hagaagto hadii kale toolka xun aya shaqada ka xumayn doona.

 

Allaa Mahad leh

Abdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka)

realcabdiqani@gmail.com