XUKUUMADDA OO SADDEX SANO JIRSATEY IYO WAXYAAHABA MUUQDA EE QABSOOMAY QYBTII 2AAD

 

maqaal

Hargaysa,Waxaynu ku soo guda jirney qoramadii aynu ku falaqaynayney waxyaaba muuqda ee u qansoomay xukuumadda

iyo xisbiga KULMIYE, mudadaada saddexda sano ah ee ay jirtey.

 

Sida aynu ka wada warqabno ama aynu horey u soo xusnay waxaa jirey ballaan qaadyo uu xisbiga KULMIYE, bulshada u sameeyey waqtigii uu ordayey hoggaanka dalka, waxaana muuqata in wax badan laga qabtahay ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE.

 

 

 

Tusaale ahaan siyaadda arrimaha dibedda maxaa laga qabtay?

 

Xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, waxay talada dalka la wareegtay waqti ay siyaasada arrimaha dibedda ee Somaliland ay deldelan tahay, aanayna jirin wax siyaasad cad ah oo ay xukuumaddii hore ka lahayd siyaasadda arrimaha dibeda.

 

Xukuumadda madaxweyne Siillaanyo iyada oo fahamsan muhiimada ay qarankan u leedahay in la furfuro siyaasadda arrimaha dibedda qadiyada iyo himilada Somaliland laga muujiyo fagaarayaasha caalamka, waxay xukuumaddu muujisay siyaasadda furfuran iyo diplamaasisad heer keedu sareeyo, taasoo noqotay mid u cuntantay beesha calaamka iyo wadamada aynu jaarka nahay intaba.

 

Waxay xukuumaddu bilowday in ay jebisay gab-kii ku gudbanaa in aynu ka qayb galno shirarka caalamiga ah ee lagu falaqaynayo siyaasada geeska iyo kuwa Somalia intaba, Somaliland waxay ku guulaysatey in ay beesha caalamka ka dhaadhiciso in sidii laba dowladood oo kala madax banana loo wada hadsiiyo Somaliland iyo dawlada federaalka Somalia, taasoo sababtay in ay Somaliland iyo Somalia ay u bilaameen wada hadalo toos ah oo ugu horeeyeyLondonAgreement, Dubai Declarationiyo shirarkii is daba joogaa ahaa ka dhacay dalka Turkiga oo Wejigiisii Saddexaadna loo ballansan yahay dhowr bilood ka dib.

 

 

 

Sidoo kale xukuumaddu waxay wax weyn ka qabatay arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo waxyaabaha kale ee aas-aasiga ah, cafimaadka ayaa si weyn wax looga qabtay iyada tuulo walba laga dhisay MCH, cusbataalada gobolada ayaa ina weyn loo hagaajiyey.

 

Waxbarashada ayaa bilaash laga dhigay sidii aynu horey ugu soo xusnay qoramdeenii horey, iyada oo dalka oo dhan laga hirgeliyey waxbarasho bilaash ah, sidoo kalena waxaa dalka oo dhan ilaa degmo ilaa tuulo laga hirgeliyey dugsiyo waxbarasho oo heer walba leh, taasoo u muuqata in waxbarashadu ay si buuxda u wada gaadhay dalka oo dhan marka loo eego heerka ay marayso.

 

Biyaha Iyo Shiidaalka

 

Biyaha ayaa iyana wax meelaha bulshada halbowlaha u ah haddii aaan biyo nadiif ah la helina anolosha bulshadu khatar gelayso. Xukuumaddu waxay ceel biyood dhaar iyo kuwo gaagaabanba ka fulisay gobolada dalka, waxaana biyo helay bulsho badan oo muddo dheert biyo la’aan ku noolayd, waxaana la hubaa ilaa 150 ceel biyood dalka laga qoday intii ay jirtey xukuumaddda Siillaanyo.

 

Waxaa iyana qaranka guul ah oo xukuumaddu ku guulaysatey in taarikhda markii ugu horeysay Somaliland laga sahamiyo shidaal, kaasoo shaqadiisii bilaamantay ayna dalka ka wadao shirkadaGeneral Energy company,iyada oo dhowaana xukuumaddu heshiish la soo gashay shirkad kale oo laga leeyahay dalka Norway oo lagu magcaabo DNO INTERNATIONAL oo ah shirkad weyn oo dhicana shiidaalka ah.

 

Sahaminta shiidaalka ayaa ah arrin aan ugu muhiim Somaliland ah dal aan dhaqaale fiican haysan, sidoo kalena durba waxaa sahaminta shiidaalka shaqo ha helay boqolaal oo aan shaqo haysan.

 

 

 

Lasoco qaybaha danbe

C/laahi Axmed Caarshe