Wasiirkii hore ee Boosaha “Madashu waa Raad Abeeso”

Madasha wada tashigaHargeysa(SM)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland [Wakhtigii Madaxweyne Cigaal), Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku wajahan marxalada uu dalku marayo, waxana uu si adag u naqdiyey Siyaasiyiinta la magac-baxay ‘Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka.

Dr. Cabdijibaar oo bare ka ah (Macalin) Jaamacada Burco, waxa uu ku dooday in Siyaasiyiin ka tirsan Madasha Wada-tashiga ay caqabad ku ahaayeen xil-gudashada Madaxweyneyaashii u soo kala dambeeyey hoggaaminta talada dalka, sidaa waxa uu ku sheegay qoraal uu Maanta soo saaray, kaasoo u dhignaa sidan:-

“Marka aan qiimeeyo xaqiiqada marxaladaha kala duwan ee dalkeenu soo maray;
1. Wakhtigii xorriyada oo dal burburay iyo dadkii oo dagaalo soo maray, wakhtigaas oo uu Madaxweyne dalka ka ahaa Alle ha naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur),
2. Marxaladii hub-ka-dhigista, dejinta iyo dhisida nidaamka dawladnimo, sida Dastuurka iyo Ururo Siyaasi ah oo u tartama Doorashooyinka wuxuu ahaa wakhigii Madaxweyne Cigaal Allaa yarxumu,
3. Hirgelin Doorashooyin ku yimi biseylka baahida dadka iyo dalka sida gooni-isu-taaga Somaliland waa wakhtigii Madaxweyne Rayaale,
4. Wax-qabad, dib-u-dhis iyo horumar waa wakhtiga Axmed Siilaanyo uu Madaxweynaha yahay.
Haddaba waa maxay madashu?. Madashu waa raad abeeso, intaas oo marxaladood rag madasha ka mid ahi lugaha ayey ku jiidayeen”.

Salaanmedia/Hargeysa

 

 

TOP