Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Alshabaab Weerarka Gaysatay Waxa Ay Meherda Ku Lahaayeen Isla Dhismaha Gudihiisa (West Gate)

Sool

Argagixisadii Weerarka Gaysatay Waxa Ay Meherda Ku Lahaayeen Isla Dhismaha Gudihiisa (West Gate)

Nairobi…..Marba marka ka danbaysa waxa soo kordhaaya wararka laga helaayo weerarkii masiibada ahaa ee lagu fuliyey Rugtii Ganacsi ee West Gate. War aan wali si rasmi ah aanay dawlada Kenya u xaqiijin ayaa lagu daabacay saaka warside ka soo baxa Nairobi. Nuxurka uu xambaarsanaa warku ayaa ahaa in nimanka weerar gaystay ay ku lahaayeen isla gudaha dhismaha Meherad ganacsi taas oo loo badinaayo in uu ahaa Dukaan, ku lahaanshaha Dukaan waa sababta keentay in hub faro badan ay ku dhex haysteen dhismaha gudihiisa, dagaalkuna uu daba dheeraado oo uu qaato 4 maalmood, sidaa waxqaba Suxufi ka tirsan wargayska Daily nation oo aan magaciisa shaacin. Warsidaha oo faahfaahinyaa sida Wax u dhaceen ayaa qoray…….Farsamo xumo iyo Isku-dhexyaac ku habsaday ciidanka Kenya ee dhismaha gudihiisa kula dagaalamaayey Argagixisada, ayaa keentay in ciidanku dhexdiisa toogasho ku dilo sarkaal sare oo ka mid ahaa Ciidanka sida  ba’an u tababaran ee la yidhaahdo GSU. Warsiduhu waxa kale oo uu daaha ka rogay in Dawlada Kenya ay dagaalka dhismaha dhexdiisa ka socday u adeegsatay Hub culus iyo Sun, taasina ay keentay in qayb dhan oo dhismaha ka mid ahaa uu ku dumay la haystayaashii iyo Argagixisadiiba.
Dunida reer galbeedka oo si hagar la’aan ugu soo gurmatay Kenya ayaa badhitaan culus ku bilaabay kala saarida Maydadkii la haystayaasha iyo Maydadkii Argagixisada oo dhismaha dumay laga soo qufaayey ilaa shalay. Badhitaanka waxa caqabad ku noqday ayuu qoray warsiduhu…… Argagixisada oo burburiyey Kamarooyinka ku xidhnaa dhismaha Gudihiisa. Guud ahaan waxa la sheegayaa in tirada dhimashado ay marba marka ka danbayso soo kor dhayso.

By: Osman Abdillahi Sool……Freelance Journalist.




Leave a Reply