Bartii Twitter-ka Al-Shabaab sida tooska ugu tabinayeen weerarka Westgate oo la xidhay

 

Maamulka Shabakada Twitter ayaa saacado kadib xidhay bartii Al-Shabaab ku lahaayeen ee HSM_Press, taasoo ah markii saddexaad oo kooxda laga xidho barteeda Twitter-ka, iyadoo Shabakada ka mamnuuc ah, hanjabaadaha iyo rabshadaha.

Barta Twitter-ka Al-Shabaab ee HSM_Press ayaa daqiiqad daqiiqad loo soo dhigayay fariimo ku qornaa luqada English, iyadoo looga warbixinayay howl galka Westgate ka socday oo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay gudaha xarunta ku sugan yihiin.

Labo todobaad ka hor ayaa laga xidhay Al-Shabaab bartii Twitter-ka labaad, iyadoo bishii koowaad  ee sanadkan laga xidhay bartoodii u horeysay ee Twitter-ka, kadib markii ay soo dhigeen Meydka askarigii Faransiiska ahaa ee lagu dilay weerarkii Buulo Mareer ku qaadeen Kumandoska Faransiiska.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay sameysatay bar kale oo Twitter ah, si ay u sii wado, waxaana suura gal ah in mar kale laga xidho.

Xalay oo kaliya ayaa waxaa iska diiwaan gelisay barta Twitter-ka in ka badan 2-kun oo ruux, kuwaasoo si toos ah ugala socday wararka ku saabsanaa weerarka Westgate ay ku sheegatay mas’uuliyada weerarka inay ka dambeyso.

Salaanmedia/Hargaysa