Burco. Qaar Ka Mid Ah Hooyooyinkii Ay Ka Geeriyoodeen Hal-doorkii Mujaahidiintii SNM Oo Dhaliil Xoogan U Jeediyay Xukuumadda

image

 

Burco(SM) -Qaar ka mid ah Hooyooyinkii agoomaha ahaa ee ay ka geeriyoodeen Mujaahidiintii SNM oo dhawaan Xukuumadu ku xidh-xidhay magaalada Hargeysa ayaa ka dayriyay xaalado qalaf-san oo ku gadaaman iyo Tacadiyo ay Xukuumadu u gaysatay.

 

Sidoo kale Hooyooyinkan oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa dhaliil huwiyay  Xukuumdda .

 

“ Anigoo ah Sahra Muuse Tawakal oo ah marwadii uu Mujaahid Maxamed Cali ka dhintay waxaan Xukuumadda u cadaynayaa markii aanu gobolka Togdheer ka tagnay ee aanu Hargeysa tagnay waxa na waday waxay ahayd baahi , mucaarad-nimo namay wadin,oo xiitaa maanu qaramaysnayn,anagoo baahidayadii na waday ka hadlayna ayaa xadhig naloogu daray oo xiitaa Tacadiyo ayaa naloo gaystay ,waxaananu cdaynaynaa oo aanu beeninaynaa ,niman TV-ga ka hadlay habeen dhawayto oo yidhi Dumarkaa la xidh-xidhay mucarid ayaa dababa ka reexaya  ,imika waxaanu ka codsnynaa Xukuumadda iyo Madaxweynahuba in ay cabashdydda hoos u eegaan  “ Sidaasi ayay hooyadani hadalkeeda kaga baxday.

 

Sidoo kale Hooyo Kinsi Yuusuf Maxamuud oo uu ka dhintay Muj.Ibraahim Jaamac Dhiif (Hayliqin) oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa .” Dhibaatooyinka na haysta 23-sanadood ayay na haysteen ,caruurtayadu wax ma barato ,musharooyin nalama siiyo ,markaanu dhibaatadda na haysata Madaxweynaha isnidha isoo bandhigana xadhig iyo tacadiyo ayaa naloo gaystay waaba wax nala taree ,imikana rag ayaa Tv-yadda ka leh dumarkaasi waa mucaarid ,waxaanu cadaynaynaa anaga cid dabada naga wadaa in aaney jirin ee duruufi nawado ,markaa waxaanu leenahay Xukuumadda talada haysa hoos ha loo eego duruufaha nahaysta ilayn ragayagii waxay ay u dhinteen calanka maanta taagani ,waxaan kale oo aan halkan ugu mahad-naqaynaa Mujaahidiinta Madasha Wada Tashiga oo dhibaatadii iyo Xadhigii Hargeysa naloogu gaystay ,Noolka aanu Burco ku nimi naga soo bixiyay .

 

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Hooyo Saado Maxamuud Haariye iyo Qaali Yuusuf Axmed oo iyana ka mid ahaa hooyooyinka agoomaha ah ee ay ka geeriyoodeen Mujaahidiintii SNM ,waxaaney dhamaantood ugu baaqeen Madaxweynaha in uu cabashadooda iyo duruufaha haysta hoos u eego ,waxaaney dhamaantood u mahadceliyeen Mujaahidiinta Madasha wada tashiga iyo Madaxdhaqameed u gurmaday markii la xidh-xidhay.

Salaanmedia/Burco

Xigasho Togdhernews