Ciidamada Kenya oo qarax Khasaaro geystay lagula eegtay Jubbada Hoose

image

Kismaayo ( SM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in qarax khasaaro geystay Ciidamo Kenyaati ah lagula eegtay deegaankaasi.

Goob Joogayaal ku sugan deegaanka qooqaani ayaa Sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidanka Kenya.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 3 Askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya halka Askari kalana uu ku dhaawacmay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray diyaarado Hello Coptarro ah oo halkaasi ka daabulay Meydadka iyo dhaawacyada ka dhashay Qaraxaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliyab ee ku sugan Jubbooyinka oo aan la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan qaraxaasi Maanta lala eegtay Ciidamada Kenya.

Maaha markii ugu horeysay oo qarax khasaaro sababay Ciidamada Kenya lagula eegto Deegaanno iyo Degmooyinka ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

 

 Salaanmedia/Mogdisho