CISBITAALKA OODWAYNE : QURBAJOOG UGU DEEQAY QALABKA SOOLARKA

Qurbajooga Somaliland ee kala deggan Toronto, Canada iyo Norway ayaa Cisbitaalka Oodwayne ugu deeqay qalabka casriga ee “Solar Panels ” oo lagaga shaqayn doona xiliga habaynimadda. Gobolka Daadmadheed, oo ay hoos yimaadan 56 tuulo, kana mid ah Goboladda ugu balaadhan Somaliland, ayaa waxa ka muuqda dayac fara badan. Xukuumadda Madaxwayne Siilanyo , ayaan waxba ka qaban , inkastoo markii Oodawyne loo dhigay Rooga Cas ” Red Carpet ” uu ku balan qaaday inuu siin doono mudnaanta kowaad . Nasiib wanaag, bulshada gobolku way u barteen ballanqaadyada beenta ah , iskumana haleeyaan gacan dawladeed.