Daawo Sawirada Dukaankii lagu dhax gubay Sadax Wiil oo Soomaali ah iyo Magacyada Wiilashaasi oo la shaaciyay

Waxaa Habeen hore xili ay hurdayeen dab la qabadsiiyay dukaan ay kusugnaayeen Sadax Muwaadin oo Soomaali ah ,Dukaanka Mashaqadu ka dhacday ayaa ku yaalay Tuulada Tanbisa oo hoostimadaa magaalada Johanseburg ee Dalka Koonfur Afrika .

Muwaadiniintan Soomaalida ah ayaa ku dhax geeriyooday gudaha dukaankii ay kusugnaayeen kadib markii ay waayeen cid u gurmata, qiiqa iyo holaca baxayayna uu neefta ku xiray taa oo ugu dambeyn keentay in ay ku dhax gubtaan dukaanka.

Soomaali badan ayaa markii ay maqleen mashaqadan ku baxay goobtii lagu gubay Muwaadiniintan Soomaaliyeed iyagoona markii ay goobta gaareen aad uga murgeen dhibaatada heshay walaalahooda Soomaaliyeed oo ku dhax dhintay dukaankii ay dhax jiifeen.

Allaha u naxariistee Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku dhax dhintay Dukaanka lagu gubay ayaa magacyadooda waxa ay kala ahaayeen ,Bashiir Maxamed,Cabdi Shaafi iyo C/Wali Cabdullaahi Aadan

Dalka Koonfur Afrika ayaa Soomaalida kunool loogu geestaa tacadiyo kala duwan iyadoona ay dhacdo mararka qaar in nolosha lagu Gubo Soomaalida halka mararkalana lagu dilo dhagxaan iyo baangado ay adeegsadaan dadka u dhashay Dalkaasi oo hinaaso ka qaaday Soomaalida dalkooda goobaha ganacsi ku leh.

Salaanmedia.com
Johanseburg- South Africa