Daawo Sawirada: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Badan, Kuwo Kalena Dhagax-dhigay + Qalinjebintii Ardayda Jaamacada Golis Ee Burco

Sep 16, 2013 Burco(SM) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo booqasho ku tagay gobolka togdheer ee magaalada Burco Ayaa maanta Dhagax dhigay Saldhig Boolis oo ay yeelan doonto Xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco,illaa Sadex kiiloo Mitir oo lagu kordhin doono Garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco, Sidoo kale Wuxuu Madaxweynaha dhagaxdhigay wadada isku xidha Gobolada Sanaag iyo Togdheer.

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu Xadhiga ka jaray Miiska saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Qaybta laba iyo Tobnaad,isagoo dhinaca kale Xaflad qalin jabinta kala qaybgalay 150 Arday oo Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Jaamacada Golis ee Magaalada Burco kuwaas oo dhamaystay Kuliyado kala Duwan. Hoose Ka Daalaco Sawiradaas Oo Dhan