Daawo Sawirada qaabka xeeladeesan ee Ciidamada Kenya gudaha ugu galeen Xarunta Westgate Mall

Ciidamada amaanka Kenya oo gacan ka helayay Ciidamo kale oo kasocday Wadamo yurub katirsan iyo Israa’iil ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay gudaha u galaan Xarunta Westgate Mall oo mudo afar maalin ah loo gali waayay Koox katirsan Al-Shabaab oo gudaha ugu jiray xaruntaasi.

Ciidamada Milatariga Kenya oo aad u hubeesnaa ayaa gudaha u galay xarunta , waxa ayna kahor inta aysan la wareegin la kulmeen iska caabin aad u xoogan waxaana halkaasi looga dilay tiro katirsan ciidamada Kenya ee howlgalka ka qeyb qaadanayay.

Waxaan wali si rasmi ah loo heyn tirada ay ahaayeen kooxihii xooga ku heestay Xarunta Westgate Mall tan ito sabtidii , sidoo kale xog badan lagama hayo in kooxdii Shabaab katirsaneed ee axrunta ku jirtay in dhamaan la dilay iyo in qaar kamid ah nolosha lagu qabtay.

Ciidamada Kenya iyo ciidamo kale oo Reer Galbeed ah ayaa ku guuldareestay in mudo la siman afar maalin in ay gudaha u galaan xarunta ganacsi ee Westgate soona afjaraan dagaalyahanada katirsan AL-Shabaab oo la rumeesan yahay in tiradooda ay ka yareed ilaa 20-qof.