Daawo Sawiro.Wasiirka Arimaha Dabada Somaliland Mohamed Biixi Yoonis Iyo Wasiirka Macdanta iyo Tabarka Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale saaka London soo gaadhay.

Salaan media_001

London(SM)Abaaro 7 Subaxnimo ee Saaka 10.9.13  ayaa waxa soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah Heathrow International  Airport ee London diyaaradii sidey wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Cusub ee Arimaha dabada Somaliland Mudane Mohamed Biixi Yoonis.

 

Qaar Kamida Madaxda Dawlada Somaliland ee Ku Sugan Magaalooyinka London iyo Birmingham Oo Ku Soo Dhaweeyey gagida diyaaradaha ee Heathrow Airport ee galbeedka magaalada London Labada Wasiir ee Arimaha Dabada Somaliland Mr Mohamed Biixi Yoonis Iyo Wasiirka Macdanta iyo Tabarka Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale Xubnaha Ku Soo Dhaweeyey Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska Cali Aadan Cawaale Iyo Gudoomiyaha Haayada Qurba jooga Yurub Mr C/raxmaan Ubaxle Xildhibaan Mubaarig Bidhi Maareeyaha Tvg-ga Qaranka Somaliland, Mr Khadar Cali Gaas,Gudoomiyaha TV Qaranka SL ee Yurub Cabdi Bacow Madaxa Biritikoolka Safaarda Somaliland ee UK.

Salaan media_003

Mr Mohamed Xasan Buuni Iyo Xubno kale oo ka Mida Madaxda Qaranka Somaliland Wasiirada Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Dalka Ingiriiska U yimaadeen hawlo Shaqo Oo Qaranka Somaliland U Muhiima Waxaanay sheegeen In ay Dib Ka Sheegi doonaa Najiitada Kulamada Ay u Yimaadeen Dalka Uk Balse Wax faahfaahin Ah Kama Bixin Kulamada Cida Ay La yeelan Doonaa Inta Ay Ku sugan yihiin dalka Ingiriiska Waxaase lafilayaa inay kulamo la yeelan doonaa Shirkado iyo dawlada dalka Ingiriiska. Waxa kale oo wasiiradu ay maantaba kulamo ay la yeelan doonaan dawlada Ingiriiska oo ay si deg-deg ah hawlahooda shaqo u bilaabi doonaan,Waxa kale oo ay sheegeen in ay marka hawlaha ay u yimadeen ay usoo dhamaadaan ay saxaafada siin donaan warbixino.

Salaan media_004

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland ayey tahay markii ugu horeysay ee uu safar ku yimaado dalkan Ingiriiska tan iyo intii xilka loo magacaabay waxaana la rajeynayaa inuu wax weyn kusoo kordhin doono siyaasadda arimaha Dibada Somaliland madaama uu yahay ruug cadaa siyaasada iyo arimaha caalamkaba aad ugu dhex jirey.

Salaan media_012

Salaan media_006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa aanu idiin soo gudbin donaa Insha Allah wixii kasoo kordha kulamada iyo warbixinaha ku saabsan waftiga Somaliland.

Salaanmedia/London

www.salaanmedia.com

info@salaanmedia.com

 

Â