DAAWO SAWIRO..XISBIGA WADDANI EE UK OO FURAY XAFIISKII KOONFUR BARI LONDON (SOUTH EAST LONDON)

XISBIGA WADDANI EE UK OO FURAY XAFIISKII SOUTH EAST LONDON.

Xisbiga Waddani oo ah kan qudha ee maalin walba taageerayaal cusubi ku soo biirayaan taas oo ay daliil u tahay dadaalka hogaankiisa sare, Isku-duubnida xubnaha iyo Madaxda Xisbiga iyo talaabooyinkan uu maalin walba Xisbigu ku hananayo xubno iyo xafiisyo cusub taasoo dhamaantood salka ku haysa siyaasada hufan ee Xisbiga ayaa ugu dambayn suurto gelisay in 16 Septembar 2013 Xisbigu furo laantiisii South East London.

Laantan oo in mudo ahba laga soo shaqaynayey furisteeda ayaa ugu dambayn lagu dhawaaqay xafiiskii iyo xubnihii hawshan wadi lahaa. Xoghayaha Arima Khaaska ah ee Waddani Mudane Xuseen Aadan Cali (Xuseen-Asad) iyo Mudane CabdalleSaleebaan Dafle oo ah xubin Golaha dhexe ee xisbiga heer qaran oo labaduba degan Xaafada xafiiskan laga furay ayaa wakhti badan u huray in furista xafiiskani hirgasho.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Xafladan oo si heer sare ah u dhacday ayaa waxaa talooyin dhaxalgal ah ka soo jeediyey xubno badan oo xisbiga ka tirsan oo ay hormuud u ahaayeen Odayada iyo Aqoonyahanada ka soo jeeda deegaankan xafiiska laga furay. waxaa xusid mudan Oday Ali Warsame oo dardaaran qiimo badan u jeexiyey gudigan cusub. waxaa isna warbixin qiimo badan goobta k soo jeediyey Mudane Xuseen Asad oo Xilalkii iyo xubnihii cusbaaba ku wareejiyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laantiisa UK Mudane: Ahmed Ali Nahi oo isaguna goobta ku gudoomay, uguna baaqay xubnahan xusub Isku-duubni iyo in la dardar geliyo hawlaha laanta u yaala.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Xubno badan oo goobta ka hadlay ayaa dhamaantood illaahay uga baryey in xubnahan cusub xilkooda u fududeeyo.  sidoo kalena xubnahan cusub ayaa balan qaaday inaysan dadaalkooda waxba kala hadhi doonin, kana shaqayn doonaan sidii xisbigu ugu guulaysan lahaa maamulka waddanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubno badan oo ka tirsan madaxda xisbiga ee hogaanka UK ayaa goobta iyaguna erayo qiimo badan ka jeediyey, waxaana xusid mudan Xoghayaha Arimaha Samfalka iyo Bulshada Mudane Ahmed Derajo, Gudoomiyaha Wacyigelinta UK Mudane A/lahi Dhegaweyne iyo Gudoomiyaha Siyaasada Mudane Najiib.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu dambayn waxaa goobta lagaga dhawaaqay Gudigii Laanta oo kala ah sidan:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
1) Gudoomiyaha Laanta SE, Mudane Xaamud Ibraahim Warsame
2) Gudoomiye k/xigenk 1aad, Mudane Mohamed Qawdhan Yoolac
3) Gudoomiye k/xigee 2aad, Mudane Mohamed Sh A/rahman
4) Xoghayaha Lasnt SE, Mudane Khaalid Ahmed Osman
5) Khasnajiga Laanta SE, Marwo Aamina Siciid Xidig
6) Gudoomiyaha Abaabulka,  Mudane Mahdi Rooble Ismail
7) Gudoomiyaha Gara ka Haweenka,  Marwo Anisa Mohamed Cawad
8) Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada, Mudane Hasan Mohamed Ismail
9) Gudoomiye k/xigeenka Dhalinyarada  Mudane Mukhtar A/lahi Dafle
10) Gudoomiye k/xigeenka Haweenka,  Marwo Nimco Iid Ismail
11)  Xoghayaha Garabka Haweenka,  Marwo Khadra A/lahi
12) Xoghayaha Garabka Dhalinyarada,  Marwo Kowsar Moha Cawale.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubnahan  oo badankoodu goobta ku sugnaayeen ayaa Illahay looga baryey in uu Xilalkooda u fududeeyo iyadoo ugu dambayna goobta loogu duceeyey Xubin gudiga ka mid ah oo xanuun ku soo booday sidoo kalena goobta looga tacsiyeeyey Marwo Amaal Cabaade oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Xisbiga oo walaalkeed ku geeriyooday magaalada London.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
London