Daawo Sawiro:Kulankii Xalay ee lagu muujinaayey sida looga soo Horjeedo talaabada uu qaaday Barclays Bank ee lagu joojinaayo Xawaaladaha Soomaalida.

Kulan aad u balaadhan ayaa xalayto 31.8.13 ka dhacay bariga magaaladda London,Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo muujin lahaa sida looga soo horjeedo in Bank Barclays Bank uu xanibaad kusoo rogo xawaaladdaha Soomaalida iyo qaarkale oo ka mid ah dadka ajaanibta ah ee dalkan kunool,Kulanka oo aad u balaadhnaa waxa kasoo qaybgalay dad weyne aad u farabadan ,Madax ka tirsan Dawladaha hoose ee Xaafado badan oo ka tirsan London,Aqoonyahano Soomaaliyeed,Haween, Dad kale oo iyaguna qayb weyn ka qaatay muujinta arinkan noocan ah oo waxyeelo weyn u geysan kara shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee iyaguna lacagaha dira.

IMG_9909 (800x533)

Kulanka oo aad u balaadhnaa waxa ka hadlay madax sar-sare oo ka tirsan Dalkan Ingiriiska oo isugu jirey qaar qaabilsan arimaha bila’aadam nimada,qaar ka tirsan Barlamaanka Dalkan Ingiriiska iyo madax sare oo ka tirsan golaha degaanka ee xaafadaha London oo aad ula socda hawlaha xawaaladdaha iyo muhiimada ay u leeyihiin dadka Somalida ah iyo lacagaha ay diraan oo dad aad u far badan oo ku nool Somalia ay ku tiirsan yihiin,Waxayna cadeeyeen in hadii talaabadaa joojinta xawaaladdaha ay hirgasho iyo ay dad badan oo Somalia ku nooli ay soo gaadhi doonto dhibaato weyn.

Salaan media_001

Waxa kale oo madasha shirku ka socday ka hadlay madax sare oo ka tirsan haayadaha ka shaqeeya hawlaha bina’adamnimada oo ku tilmaamay in ay isticmalaan Xawaaladdaha Soomaalida si aan u gaadhsiino wixii ay u baahan yihiin,iyada oo rajo xumo ka muujisay in hadii la joojiyo lacag dirisata dadka Soomaalida ah ay keeni karta arin aad u dhibaato badan oo keeni karta baahi badan.

Ibraahim Maxamed Yusuf oo ah madaxda sare ee xawaalada Dahabshiil kana mid ah urur cusub oo ay ku midoobeen ururada u ololeynaaya in xawaaladdaha aan la joojin oo lagu magacaabo (SOMSA) ayaa sharaxaad ka bixiyey, ujeedada shirka uu ku saabsan yahay,dedaalka ay ugu jiraan sidii arinkaa uu wado Barclays Bank ay u joojin lahaayeen,Waxa kale oo uu sheegay in la qaban-qaabinaayo mudaharaad kale oo lagu muujinaayo sida looga oo horjeedo joojinta lacag dirista.

Fadlan Waraysigiisa halkan ka DAAWO HOOSE

http://www.youtube.com/watch?v=tJimjH57XiE&feature=c4-overview&list=UUKfEZcNSTtxqfjLWBDDvnzw

IMG_9833 (800x533)

IMG_9834 (800x533)

Madaxdii ka hadashay oo aad u badnaa waxa ka mid ahaa,Patrick Vermon
Tulip Sadiq,  John Biggs,   Abdual Mohamed, Dominic,   Jackie Applebee, Mohamoud Jama  Sunoco, 

Rushanara Ali MP, Waxa kale oo ka hadlay madax fara badan oo Soomaali ah,Dhaamaantood waxa ay muujiyeen in dadka Soomaalida ah ee dalkan Ingiriiska ku nooli ay qayb weyn ka qataan dedaalka lagu jiro ee lagu hor istagayo sidii aan loo xidhi lahayn accounada ay xawaaladaha Soomaalidu leeyiniin.

Waxa muhiim ah in dedaalka lagu bad-baadinaayo xawaaladdaha Soomaalida ah ee lagu jiro loo laban-laabi lahaa waxa dhawaan la filayaa in la qabto mudaharaad weyn oo lagu muujinaayo in joojinta lacagaha la diraayo ay tahay arin aad u khaldan,Waxaana dhamaan Soomaalida meelkasta oo ay UK ka jogaan laga codsanayaa in ay  qayb weyn ka qataan dedaalka lagu jiro.

IMG_9841 (800x533)IMG_9847 (800x533)IMG_9852 (800x533)IMG_9853 (800x533)IMG_9854 (800x533)IMG_9860 (800x533)IMG_9864 (800x533)IMG_9872 (800x533)IMG_9876 (800x533)IMG_9884 (800x450)IMG_9892 (800x533)IMG_9896 (800x533)IMG_9906 (800x533)
IMG_9910 (800x533)IMG_9912 (800x533)IMG_9915 (800x533)IMG_9917 (800x533)IMG_9920 (800x533)IMG_9921 (800x533)IMG_9927 (800x533)IMG_9932 (800x533)IMG_9935 (800x533)IMG_9940 (800x533)IMG_9941 (800x533)

 Xamse Axmed Salaan

 Salaanmedia/London

www.salaanmedia.com