Daawo Video & Sawirro : Fanaanadda Hibo Nuura oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatay Si Diirana Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho

Daawo Video & Sawirro : Fanaanadda Hibo Nuura oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatay Si Diirana Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho

Sept 10, 2013 Mogadishu (SM) Fanaanadda Caanka ah ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Cuddon ( Hibo Nuura) ayaa maanta ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, iyadoo si diiran loogu soo dhweeyay halkaasi.

Marka ay ka soo dagtay garoonka oo ay ku sugayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, Abwaaniin, Fanaaniin, Xildhibaano, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa si aad ah u soo dhaweeyay, iyagoo u muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin Fanaanad Hibo in dalka ay ku soo noqoto muddo aad u fara badan ka dib.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaasi ku soo dhaweeyay, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in dalka ay ku soo noqoto fanaanaddani, isagoo tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir ay ku faraxsanyihiin in Muqdisho ay ku soo dhaweeyaan Hibo Nuura, waxaana uu tilmaamay in daliil ay u tahay imaatanka Fanaanada Horumarada balaaran oo ay ku tilaabsatay magaalada Caasimadda ah.

Salaanmedia.com/Mogdisho