Dallada British Somaliland Council oo ka qayb qaadatay xog-waraysi la waraysanyo maareeyaha TV Qaranka Mudane Khadar Cali Gaas iyo Xildhibaan Mubarik Yusuf Cilmi (Bidhi)

Dallada British Somaliland Council oo ka qayb qaadatay xogwaraysi la waraysanyo maareeyaha telefishinka qaranka Mudane Khadar Ali Gaas iyo xildhibaan Mubarik Yusuf Cilmi.

IMG_0016 (800x533)

Xogwaraysigaa oo ay dalladu ka warantay wax qabadkeedii qotada dheeraa ee ay ku hawlaneyd mudadii ina soo dhaaftey iyo waliba sidii loo sii wadi lahaa hawlaha inagu soo socda.

images

Dallada oo uu hor kacayay Mudane Axmed Xassan Daauud iyo waliba Cabdillahi Abokor ayaa ka sheekeeyay mashaariicda u qorshaysan dallada wakhtigan aynu ku jirno

Ka bacdina waxa ay dalladu ka aqbashay afar urur oo cusub oo ku soo biirayay dallada inn sida ugu dhakhsaha badann ay u soo ababulaan munaasibad lagu soo dhawaynayo ururadaa ku soo biiraya ururadii meesha hore hawsha u hayay ee waxqabadka Somaliland diyaarka u ahaa.

IMG_0005-800x533

Gabgabdii waxa hadalo ka jeediyey  mudane Cabdillahi Abokor oo qayb weyn ka qaatay dar-dar galinta hawlaha Dalada oo ay ka mid ahayd hawshii bad-baadinta xawaaladaha Somalida oo ay qayb weyn daladu ka sameysay,Waxa uuna ugu danbeyn mudane Cabdilaahi Abokor  casuumad u fidiyay dadwaynihii sharafta lahaa iyo masuuliyiintiiba xafalad uu qaban-qaabinayo wiigan gudihiisa oo ka dhici doonta waqooyiga London

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUDANE CABDILAAHI ABOKOR . 

Uga danbayntii dalladu waxa ay mahad gaara siinaysaa West London Somaliland Community oo casuumada u soo fidiyay Dallada’

Allahay Baa Mahad Leh