David Frost oo ka mid ahaa Wariyayaasha ugu caansan aduunka oo geeriyooday.

article-2408344-05B7C4DF0000044D-19_634x367

London(SM) Sept1, 2013Saxafiga David Frost ayaa isaga oo 74 ah ah u geeriyooday Wadne xanuun ku soo booday, David Frost oo wakhtigani ka halw galayey Talafishanka Al Jazeera, waxana uu ahaa mid ka mida Wariyeyaasha ruug cadaaga ah ee Dunida ugu caansan.David Frost ayaa ahaa Wariye, Qoraa, Barnaamij soo saare, iyo Falanqeeye xeel dheer, waxana uu ahaa Wariyhii kaliya ee Waraystay Todobadii Madaxweyne ee ugu dambaayey ee Dalka Maraykanka, iyo Lixdii Raysal Wasaare ee ugu dambaayey ee Boqoryooyada Ingiriiska, Wariye Frost ayaa Talafishanka Al Jazeera shaqada la bilaabay sanadii 2006-dii oo ahayd wakhtigii la furay ilaa hadana uu ka tirsanaa.

 

 

Waxa lagu xasuustaa David Frost waraysiyo uu ka qaaday madaxweynahii Mareykanka Richard Nixon in 1977 oo uu kusoo caan baxay,waxa kale oo uu waraysiyo ka qaaday hogaamiyaayaashii aduunka ugu caansanaa. Waxa uu ifka kaga tagay 3 Wiil.

Qoraal laga sii daayey Telafishanka BBC ayaa lagu sheegay in David Frost uu xalay ku Geeriyooday Cisbitaal ku yaala Ingiriiska oo laga dawaynayey wadne Xanuun ku soo booday.

Raysal Wasaaraha Dalka Ingiiska David Cameron, ayaa markiiba Tacsi u diray Ehelada Wariye David Frost oo uu sheegay inuu ahaa Saaxiib qaaliya iyo Wariye qaada wareysi baqo leh.
Wariye Frost ayaa waxa uu Sanadii 1977-kii wareysi Caan baxay ka qaaday Madaxweynihii Maraykan ee Wakhtigaasi Richard Nixon oo markaas la daalaa dhacayey Duufaano ay ku kicisay Fadeexadii (Watergate) Wartar gaydh.